JACEYLKII MAALMIHII ADKAA IYO MIDHUHUU DHALAY Q:2aad W/Q: Mohamed Rashiid

 Sheeko Qeybtii Labaad ----(Jacaylkii Maalmihii Adkaa Iyo Midhuhu Dhalay)—- W,Q Mohmet Razhit Aden



Ninkuna markuu dayday ama guurdoon yahay waxaa gabdhohoo dhan laabtiisa iyo wadnihiisa gurdamaaya ugu beeran naxariisiyo kalgacal baaxad leh oo ay soo hirayaan dano dareen raxmadeed leh.

Waa wax la wada garan karayo, waa dareen rabaaniya oo ku lammaan nudayaashiyo unugayada ruuxa markaas ku talo-jira inuu guursado.


La yaab ma lahoo huguniyo hirarka mooraysan ee ka dhex aloolsan laabtiyo rubadiisa waa miduu ku laabudey hamiga guurku, oo waxaa uu halabsanayaa hankiisuna himlinaya inuu gu’gakan noloshiisa wax ka bedelo.


Hubsiimo hal baa la siistaaye, wax kasta oo la falo cidhib-dambeedkiisu caynkuu noqon doonno duuga dambe, ayaa intaan lagu kicin cindiga la odorosayoo laga fariisadaayo, waxaan kuu cuntaymihayna cudha laguma soo dhego ee, guurkuna waa sidaas oo kale oo gabadhey gabadh ma tahayna loo guursado. Wuxuuna gugan sahan ugu jiraa guurkiisa, oo wuxuu goobayaa gulufna ugu jiraa hablaha sebenkan hanaqaadey inuu ka xusho dadab wadaagna la noqdo gogolo yar timo-haldhaaley gaariya, oo tacab haween iyo farsamo taabka loo geliyey oo ay hooyo wacani soo barbaarisay.


Wuxuu si deg deg ah uga soo booday ceelka isagoo ka soo baxay meel aan ahayn meeshii loogu talo-galay in laga baxo. Jarbooyinka ceelka oo sida caadada ah dhinacna lagaga soo dego dhinacna laga baxo, laakiin isagu waa nin ay jihadii ka xiimtayo oo markan labadaaba wuu khilaafay oo meel cusub buu ka soo kuday oo uu ka soo baxay. Wuxuu si dhakhso ah u soo gaadhay gabadhii iyo awrkii isla yaabanaa.


Salaani ma jirto oo jawigu maaha mid degan oo xasiiloon, xiliguna uma saamaxayo oo inuu gabadha iyo awrka qabdhamaya kala gaadho mooyaane markani maaha amin ku quman salaan iyo is-toyasho.


Waa wakhti juube dhacayo oo waa uu feedho qaawan yahay waxaa dhexda ugu xidhan macawstii oo uu haleelay markii uu soo booday. Awrkii oo surka taagaya oo aad u cargeegtamaya ileen qof haweenna baa haysee, ayuu si kedisa hogaankiisi ula wareegay. Laba goor markuu soo dhuftay ayuu awku ogaaday in laba xiniinyoodle hantiyey waana casilayoo geedkuu sudhay.


Si deg-deg ah wuxuu ugu hawl galay waraabinta awrta, wuxuu sameeyey kaalin ka gaara ka geela oo wuxuu soo qaaday naadh ka mida yeelkii geelu ku cabayey. Raggii kale ayuu u sheegay inuu rabo inuu awrta waraabiyo sidoo kalena weelka loo dhaamiyo hablaha dhaankana la diro, sidaa darteedna ay u wadaan leexiyaan.


Waa ay ku raaceen iyagoo ku ammaanaya “walaahay Samakaabow wax-garad ina gobeedda baad tahay oo waxaad inaga dulqaaday xil ina dulyaaley laakiin anagu waanu garan weynay sababtuna waa kamiinta geela is riixa iyo faruur dhabadka”.


Waa loo wadaan leexiyey awrtiii hadba labo ayaa lasoo furayaa oo gabdhihii laguma halayne labadii kuray buu u dirayaa oo uu marba leeyahay “kaana soo fura”. Awrtii waa cokanaatay waana daba jeedisay kurayadii baa darka ceelka ku dabray waana laga soo jeestay.


Ninkii Samakaab ahaa ee awrta waraabiyey kaga ma hadhin oo kaliya waraabintii awrta ee waxaa la foolaadsanaatay hawshii inuu is raacsado. Wuxuu u tegey gabdhihii oo fadhiya geed yar oo cadaya oo ku caana in weelka la isugu ururiyo si aan geelu u jiidhin, markanse gabdhuhu waa gabaad ay kaga gabanayaan juubaha diraaceed. Markuu u yimi wuxuu u dheegay ugana tibixsiiyey inuu rabo inuu weelka dhaamiyo si cokanka dhaanku ugu jahaysto maatadii sugaalka ahayd iyo ilmiriglaha dad iyo duunyoba leh.


Hadalkaas uu ku jalbeebay waxa uu ahaa arrin ay soo dhoweeyeen oo ay sugayeenba. Balse Samakaab jawaabtuu xareedinaayey ee uu hablaha ka sugayey ee ahayd inay yiraahaan “haye inaadeer” ama “waayahay” midna kamuu helin oo way kala daaheen. Sababtuna waxay ahayd xishood badnaantiyo afgaanida Eebe udhashay. Waana tilmaamaha quman ee ay iska leeyihiin laguna yaqaan hablaha asluubta suuban ee Soomaaliyeed ee lagu soo barbaariyey dhaqaniyo hiddahooda dahabka ah.


Inay u jawaabaan Samakaab waa sugi waayey oo wuxuu cod-dheer ugu yeedhay labadii kurey, wuxuna u sheegay inay weelka soo dhoweeyaan. Wiilashii waxay bilaaabeen inay soo daad-gureeyaan weel biyoodka, waxaase aan ka hadhine oo la guraysa Caasha-Cuddoon oo ahayd gabadhii Samakaab awrka ka qabanayey. Waxaa saf dheer la soo geliyey dhoomaha isugu jira birta iyo qabada biyaha laasimay. Waxaa iyana dhinac kale isku dul rasaysan qaraab ama qarbedo ay hablihii kale diyaariyeen oo asalkii ka saareen.


Samakaab waxaa uu ku bilaabay cabayntii weelka, hadba waxay Caasha-Cuddooni hilaysaa haantii buuxsanta. Waxaa dhammaaday haamihii waxana loo wareegay qaraabta Caasha-cuddoon, waxayna masaf ka samaysan caagad shan qaad ah ku qabqabnaysaa qaraabta oo uu Samakaab biya gelinayo.


Jaleeco yar oo dareen leh oo la isku xadayo baa iska jirta laakiin wax haasaawe ah amintan maaha mid suura-galaya oo labo kurey xoogle baa diiday inay sidalag bixiyaan ama fursad……….


Lasoco Qaybta Saddexaad Haddii Eebe Idmo……….

Comments

Post a Comment

Welcome to! Mohmetrazhit paga.
Thank to comment for my page we reply you soon..💯🖤

Popular Posts