DAREENKA JACEYLKA W/Q : Mohamed Rashiid

 DAREENKA JACAYLKA

 Salmaan wuxuu ahaa wiil uu ilaahay u dhameeyey dulqaad, samir, iyo deganaan wuxuuna ku noolaa magaalada Burco ee gobolka Togdheer.Salmaan hooyadii iyo Aabihii waxay dhinteen isaga oo aad u da’ yar, yaraantiisii wuxuu ku soo koray xerada agoomaha markii uu weynaadayan wuxuu ka shaqo bilaabay geerash si uu u dhacsado quutal daruurigiisa maalin nimo ugu danbeyntiina waxaa wakhtigu u saamaxay in uu kerish booy ka noqdo bas u kala baxa Burco iyo Hargeysa mararka qaarna ka shaqeeya magaalada Burco dhexdeeda.Salmaan wuxuu ahaa wiil aan marbana ka welwelin aduunka waayo wuxuu aaminsanaa in uu maalin uun helayo Nasiibkiisa            Maalin ayaa salmaan oo taagan istaanka basaska kuna qaylinaya hadalada lagu yaqaano dadka kiriish booyga ah oo leh “baabuurkan xaafada October ayuu u baxayaa yaan lagaa buuxin”. ayaa wuxuu indhaha ku dhuftay Saamiya oo ahayd gabadh uu ilaahay u dhameeyey qurux aadna u ilwaad roonayd oo qof walba oo arkaa jecelaanayo isla maalmahaana ka timi waddanka Canada. Xiligaas Saamiyi waxay la socotay gabadh ay ilmaadeer yihiin markii ay u soo dhawaatay Salmaan oo sita dhar uskaga badan wuxuu isku dayey in uu ku tuuro hadaladii Ina rag lagu yaqaanay wuxuuna ku yidhi …. Inaabti baabuurka yaan lagaa buuxin kuris martiyeedna waan kuu hayaa ee soo fuul adigaan ku sugaynaye! Saamiyi iyada oo aan u jawaabin ayaa waxaa hadlakii la booday gabdhii kale kuna tidhi sida aad u eegtahay ma is aragtaa waar naga baydh kirishbooy yahow iyada oo ula hadlaysay si yasniin ku jiro.  Ceeb ayaa soo gaadhay Salmaan wuxuu ku hadlana waa garan waayey, isaga oo aamusan ayaa waxaa hadashay Saamiya iyada oo ku hadashay hadal xikmadyesan oo ah sidan “looma baahna in aad sidaa u hadashid walaal waayo wax walba oo aduunka yaalaa xayeysiin kama soo hadhaan wiilkan shaqadiisa ayuunbuu xayeysiinayaa si baabuurku dhakhso ugu buuxsamo teeda kale shaqo cay ma laha waayo dad badan oo yurub joogaa waa ka liitaan wiilka shaqada ay qabtaan marka loo eego, qof dalkiisa hooyo ku shaqaysanayna wax ka fiican ma jiro” Saamiya iyo inantii ay ilaadeerka ahaayeen iyaga oo aan kelmad kale odhan ayey sii dhaafeen Salmaan aadeena meeshii ay doonayeen. Salmaan oo ahaa wiil aad u degan wuxuu ka fekeray sida khaldan ee uu hablaha ula hadlay iyo sida wanaagsan ee ay gabadhu u hadashay markii danbe,isaga oo isku buuqsan ayuu lahaa tallow inanta magaceed mase arki doon taa mar danbe? Salmaan wuxuu ahaa wiil saddexdiisa wakhti dhacsanayey wuxuuna bilaabay in uu lacagta dadka ka uruuriyo, waa yaabe jacaylku ma wax dadka ku soo boodaa ileen qofku marka u arko qof aanu hore u arag kana helo wuu khalkhalaa!!. Salmaan meel uu marayo iyo meel kale waa is garan waayey waxayna maskaxdiisii raacday gabadhii heer uu canaantay ninkii baabuurka ka dirawalka ahaa oo ku yidhi maxaa kugu dhacay ee aad rakaabka baabuurka saaran lacagta uga uruurin weyday waa maxay marba qofkan ku leh lacagta hoo iyo albaabka iga fur, waar shaqaysan meysid ee anigaad i waalaysaa.             Dhanka kale Saamiyi markii ay soo dhameystay hawlaheedii waxa ay ku soo laabatay gurigii Eedadeed Faadumo oo ay ku soo degtay lana joogtay laba maalmood, gelinkii danbana waxay wada sheekaysi dheer ka bilawday MSN-ka maadaama oo ay sidatay Lap-Top, Salmaanna wuxuu ahaa mid markii uu arkay ilaa intii qoraxdu dhacaysay ka fekeraayey iyada.            Habeenkii markii la gaadhay salmaan wuxuu soo qaatay bustihiisii xajiinta badnaa wuxuuna dhex galay baska si uu u seexdo halkii uu jiifsan jiray oo ahayd kursiga danbe markiisi uu dhabanka dhigay ayaa waxaa la hor keenay gabdhii uu arkay saaka iyada oo aad moodo biyo dahab, jacayl waa waran wadnaha gala oo olol ku beeree Salmaan iyo hurdo waa kala fogaadeen oo marba dhinac ayuu u laba ligdoonayey. Waxay arini sidaa ahaataba waxaa aroos yeeshay saamiya familigeed oo waxaa la aroostay inaa adeerteed   kadib waxaa  waxaa loo baahday in la aado dalxiis ah ilaa Shiikh  waxayna Saamiya inaadeerteed iyo  gabadh ay eedo u tahay  yimaadeen meelah lagu kireeyo Basaska  si ay u kiraystaan Bas waxay la hadleen  nin kamid ah nimanka basaska ka ah darawaliinta waxayn ku heshiin waayeen qiimihii wayna ka tageen oo waxay u tageen bas kale nasiib wanaag baska waxaa Kirish-booy ka ah Salmaan wuxuuna ahaa baabuurkii uu markii horeba la socday waxayn la hadleen darawalkii gaadhiga waxay isku afgarteen inuu u kaxeeyo dalxiis beri subax nimadka xiligaana ay lacagta siiyaan.Marka ay sidan heshiiska u gaadhayaan Salmaan      wuxuu ku maqnaa kaalin uu shiidaal uga doonay Bas-ka mana ogeyn waxa dhacay iyo waxa kale                     Waxaa baryey waagii waxaana baabuurkii oo taagan istaakii u yimi Samiya Eedadeed waxayna si degdeg ah u aadeen gugrigii ay Saamiyi joogtay oo ahaa halkii aroosku ka dhacay daqiiqado yar ka dib waxaa banaanka u soo baxay dad badan oo dalxiisayaashii ah Saamiyana ay la socoto, naf wax jeceli beer jelecsanaa Salmaan dhulka ayaa la wareegay markii uu arkay Saamiya ma dhabaa ma dhalanteedbaa ayuu ka bixi waayey.Isla markiiba waxaa dhaqaaqay baabuurkii intii jidka lagu sii jiray  Salmaan indhihiisu waxay ku maqnaayeen Saamiya.Dhawr jeer ayaa saamiya oo aan filayn indhaha ku dhufatay Salmaan oo eegaya weliba eegmo dareen gelinaysa qof walba oo wax garad ah balse mar keliya maskaxdeeda kumay soo dhicin wiilkan ayaa jacayl ku qaadi doona ama aad u qaadi doontaaWaxaa lasoo gaadhay meeshii dalxiis ku eekaa oo ahayd Shiikh iyada oo la koray buurta dusheeda si ciyaar jaas ah loogu soo ciyaaro sawirana lagu soo galo.    Markii goobtii la yimi ayaa waxaa dhinac u baxay dadkii arooska ka socday oo ay Saamiyi la socotay dirawalkii oo ahaa wiil dhalin yaro ahna waa raacay waxaase meesha lagaga tegay oo baabuurka hortiisa istaagay Salmaan.  Dadkii oo dhan jaas iyo ciyaar ayey bilaabeen iyadoo marba qof mekerifoonka loo dhiibayo oo uu heeso qaadayey,salmaana wuxuu ahaa mid indhah uun ka fiirsda isga oo weliba daymo ku dilay Saamiya. Markii ciyaarii in waxoogaa leeg la waday ayaa waxaa dhankiisa soo aaday Saamiya markii ay soo hor istaagtayna waxay ku tidhi “maxaa ku helay walaal maanta oo dhan aniga ayaad i eegaysay ee maxaa jira?” Salmaan wuxuu ku hadlo wuu garan waayey kedibna waa aamusay waxaana gacanta qabatay Samiya iyada oo ku leh ka gudub oo kaalay dadka la ciyaar soona dhex gal. Markii ay Saamiyi u sii waday dhankii dadku joogeen ayuu yidhi Salmaan maxaad iga ceebeenaysaa waad aragtaa in aana dadka sharafta leh soo dhex geli Karin, dharka aan sito bal eeg walaal Saamiyi iyada oo si waayo arag nimo ku dheehan tahay ula hadleysay ayaa waxay ku tidhi walaal dhib ma leh walaal waayo aduun mar lama wada helo.    Salmaan oo xishoonaya ayaa wuxuu soo dhex galay dadkii wuxuuna la ciyaaray Saamiya isaga oo aaminsanaa in dadka intiisa kale uuna qiimo la lahayn. Waxa layaab ku noqotay dadkii todoba baxa soo raacay iyo dadkii qoyska arooska ahaa, kirsh boyga la ciyaaray gabadhoodii ka timi Canada iyadoo weliba Kun wiil raadinayaa baadi goobna ugu jiraan helida Saamiya.Markii xafladii dhamaatay waxaa meel gaar ah u isula baxay Salmaan iyo saamiya iyagoo isla dhig dhigay barasho cusub oo ay labadooduba ku falanqeenayeen taariikhoodee hore iyo noloshii mid walba uu soo maray ilaa yaraantiisii, ileen laba waliba maalin bay isbarataaye.  Sheekada dhex martay Salmaan iyo saamiya barasho ka dib waxay u dhacday sidan.Saamiya: walaal iyada oo ay noloshaadu sidaa dhib u soo martay ayaa misana aan lagaa dareemaynSalmaan: waa run in wax walba walaal ay si tartiib ah u dhamaadaan markaa waxaan ku qanacsanahay xoogeygaSaamiya: dhib ma leh walaal maalin waad ka bixi doontaa dhibta aad ku jirto waayo aduunyadani waa is bedel Salmaan waa runtaa laakiin waxaan la yaabsanahay sida daacad nimada ah ee aad iila sheekaysaneysid iyada oo dadka agtooda aana sharaf ka lahayn.Saamiya: sidaa ha odhan walaal waayo wax walba waa barasho dadka halkan joogana hada adiga aya iiga dhaw teeda kale qof wanaagsan sida lagu bartaa way fududahay sida lagu hantaa se way adagtahay. Kelmadaasi Salmaan waxay gelisay dareen wuxuuna ku jawaabay  Salmaan: sida adiga oo kale waayo qof wanaagsan ayaad tahay mana laga ayaabo in aan ku hanto Saamiya: maxaad sidaa u leedahay saw nin ma tihid wax waliba waa is fahan iyo kasbasho.Salmaan waa runtaa laakiin shinbirba shinbirkiisa ayuu la duulaa!! Saamiya: dadku waa kala argti walaal ee taa xisaabta ku darso oo yaanay kaa hoos bixin. Markii ay kelmadan tidhi Salmaan waa farxay misan naxay waayo hadlakeeda marna wuxuu u arkay in ay dooneyso sheekadiisa marna wuxuu u rutjuntay in ay leedahay waad is moodsiisay ee ma kula sheekaysan karo oo waan kaa sareeyaa!! Salmaan oo aan wax jawaab ah afkiisa ka soo bixin ayaa waxaa u yeedhay dirawilkii gaadhiga wuxuuna ku yidhi waa in aad dhakhso i soo gaadhaa oo baabuurka mishiinkiisa eegtaa isaga oo doonayey in uu sheekada u socota ka qaso fursadna u diido.            Markii laga soo laabtay todoba bixii waxaa si toos ah loogu soo laabtay magaalada Burco waxaana Saamiya iyo dadkii la socdeyba lagu dejiyey gurigoodii Salmaana umay suurto gelin fursad uu kula hadlo Saamiya.            Habeen nimadkii markii la gaadhay waxaa labada dhinaca ee Samiya iyo Salmaanba wuxuu mid walba ka fekeraayey Kan kale iyada oo Saamiyi  ka fekeraysid hadii uu Salmaan guursado nolosha uu ku noolaanayo iyo jacaylka iyo daacad nimada ay ka heli lahayd.            Subixii markii qoraxdu soo baxday ee dadku wax walba arkeen ayaa Baskii dirawalkii baabuurku ka soo saaray geerashka wuxuuna u soo kaxeeyey dhanka istaankii looga bixi jiray magaalada Hargeysa si uu ugu rakaabsado saacado ka dibna waxaa u buuxsamay baabuurkii waxayna aadeen magaalada Hargeysa iyada oo Salmaana la socodo.            Dhanka kale dhawrkii maalmood ee ay ku maqnaayeen magaalada Hargeysa waxay Samiyi soo mari jirtay soona eegi jirtay istaanka basaska si ay ula kulanto Salmaan nasiib daro se mar walba way soo waayi jirtay ileen magaaladaba muu joogine.            Habeenkii danbe markii ay ka soo galeen magaalo madaxda Somali land Hargeysa ayaa waxay subaxnimadkii Baska soo dhigeen istaankii basaska si ay ugu rakaabsadaan xaafada Qasabka. Salmaan oo taagan baska dadkana u yeedhaya si rakaabku u buuxsamo ayaa waxaa dhanka danbe kaga timi oo dhabarka ka taabatay Saamiya markii uu dib u soo jeestayna wuxuu ku qaboobay halkii uu taagnaa waxaana iskaga dhex yaacay hadlakii isaga oo leh haa haa haa walaal waan ku salaamay ii waran ma fiican tahay iyo hadalo la mid ah Samiya iyaduna waxay ugu jawaabtay walaal waan wanaagsanahay qof xun ayaadse noqotay waayo waad i soo raadin weydya oo aniga ayaa dhawr maalmood halkan kaa soo raadiyey si aan kuula kulmo maanad joogin. Waa runtaa walaal waayo hargeysa ayaan ku maqneyn oo Basku u baxay ayuu Salmaan isaga oo kurbanaya ugu jawaab celiyey  Jacaylku waa wax jira dadkuna waa is jecelaan karaan fiqiir iyo taajir qof fool xun iyo qof qurux badan isla markiibana waxay saamiyi ku tidhi walaal waxaan jeclaan lahaa in aan su’aal ku weydiiyo hadii aanad xumaan iiga arkayn su’aashaas oo ah guur hada diyaar ma u tahay? Salmaan intuu yaabay ayuu yidhi walaal maxaan diyaar u noqdaa wax lacag ah oo aan ku guursado ma haysto qof I gacan qabatana ma lihi oo qadeyda ayaan dhacsadaa teeda kale hal qof ayaan jeclaaday ismana lihi waad ku guuleysaneysaa aroosideeda.Qofkaasi waa kuma ayey? Saamiyi weydiisay Waxaa Salmaan u soo baxday fursad uu ugu soo bandhigo jacaylkiisa wuuxuna yidhi qofta aan jeclaaday waa adiga mar walbana waan kaa fekeraa laakiin fili mayo in aan ku helayo  Saamiyi inta ay dhoola cadeysay ayey tidhi walaal qof walba kartidiisu waa mid uu ilaahay ku abuuray teeda kale qurux iyo lacag layskuma jeclaadee waxaa jacaylka sababaa waa binu aadan nimo iyo wanaag ma kula tahay sida aad ii jeceshahay in aan si la mid ah kuu jecelahay mase gashatay niyada in dhawr maalmood aan ku raadinaayey si aan jacaylkagya kuugu soo bandhigo adiga oo aan joogin.            Salmaan iyo Saamiyi intii ay isku miyir la’aayeen ee mid walba jacaylka dhankiisa ugu fatahmayey ayaa waxaa daaqada baska gacanta ka soo riday Tuug wuuxuna la baxay lacag gaadheysa 300 Kun oo shidhka ku jiray Salmaanna muu ahayn mid dhaaday ileen faleembo jacayl ayaa ku socoteye iyaga oo halkii wada taagan oo aad moodo in dhibic mahiigaan hayso sida ay isagu dheegageen ayaa waxaa soo ag istaagay  dirawalkii oo inta uu shidhka galay ka soo waayey lacagtii kadib wuxuu la hadlay labadoodiiba isaga oo leh waan idin salaamay salaan kadibna wuxuu ku yidhi Salmaan  lacagtii shidhka ku jiray meeday? Salmaan oo jacaylkii ku sii maqan yahay ayaa yidhi ma arag, maxaad qabaneysay hadii wax Baabuurka shidhkiisa ku jira aanad ilaalineyn iyo kelmado kale oo la mid ay ayuu yidhi dirawalkii isaga oo markii danbe aflagaado ula dhaqaaqay Salmaan kuna yidhi waa in aad lacagta bixisaa hadii kale jeelka ayaan ku dhigayaa Tuugyahaw, dib oo u danbeysana kiriish booy ugu noqon meysid Baabuurkan. Salmaan talo ayaa ku cadaatay wax uu sameeyana wuu garan waayey laakiin waxaa kurbadii iyo dhibtii oo dhan ka korqaaday gabadhii uu jecelaaday iyaduna sida dhabta ah u jecelaatay ee saamiya iyada oo bixisay lacagtii loo qabsaday kuna tidhi muddo badan waad samirtay Salmaan laakiin maanta wixii ka danbeysa noloshaadu si toos ah oo aan shaki ku jirin ayey isu bedelaysaa oo dhibaato danbe ma arkeysid, Samiyi  waxay gacanta qabsatay Salmaan una kaxaysa dhanka bari oo markaas uu gurigii Eedadeed ee ay deganeyd ka xigay markii ay gurigii u soo dhawaadeen iyaga  oo markii hore sheeko aad u dheer jidka ku soo dhex martay waxay Saamiyi ku tidhi halkan igu sug waxaan gelayaa oo dhakhso ka soo baxayaa gurigee. Salmaan wuxuu qadar miridho aan sidaa u sii badneyn istaagay guriga hortiisa waxaana isla markiiba soo baxday Samiya oo dhar aad u bilicsan ku soo lebisatay waxayna dhanka suuqa weyn ee magalada Burco isu raaceen Salmaan markii ay suuqii gudo galeena waxay Salmaan ku tidhi ma dareemi kartaa Salmaan  sida aan kuu jecelahay maanta waxaan doonayaa in suuqa dharka yaala mid walba oo kaa qanciya aad ka soo qaadatid  “yaab ayey ku noqotay salmaan”wuuxuuna yidhi Saamiya walaal maxaad sidaas oo dhan u sameenaysaa ? Saamiyi intay dhoola cadeysay oo dhabanka gacanta ka saartay ayey ku tidhi adiga dartaa ayaan walaal wax walba u sameenaya waayo waan ku jeclahay.            Salmaan iyo samiyi waxay ku jireen suuqa weyn ee magaalada Burco in muddo ha kadibna way ka sii tageen oo aadeen Huteel Barwaqo halkaas oo ay samiyi laba qol oo fadhi iyo jiif ah uga kireysay Salmaan kuna balamisay shaqaalah huteelka in ay cuntadiisa u diyaariyaan saddexda wakhti.Gelinkii danbe markii ay gaadhay Salmaan iyo samiyana oo sheeko macaan oo xiiso leh u socoto ayaa waxaa samiya ku soo dhacay telefoonka waxaana la soo hadlay hooyadeed oo ku tidhi gabadheydii waa in aad dhakhso soo baxdaa maadaama oo aan kuu baahnahay, Samiyi waxay ka faa’iideysatay wakhtigii waxayna hooyadeed ku tidhi hooyo waxaa halkan ila jooga wiil aan six ad dhaaf ah u daneenayo doonayana in aan guursado markaa hooyo side u aragtaa hadii aan telefoonka kuugu dhiibo,Dhib ma leh gabadheydiiyeey waayo dookhaaga iyo dareenkaaga marnaba kaama hor istaagayo hadan iigu dhiib aan salaame.            Markii ay Samiyi u dhiibtay Salmaan telefoonkii iyada oo ku tidhi waa hooyo ee la hadal waxaa ku yaraaday dhulka wuxuu yidhaahdan wuu garan waayey isaga oo kurbanaya ayuu yidhi waan ku salaamay hooyo waan kaa qaaday wiilkeygii ayey ugu jawaabtay ee ii waran,        Samiya hooyadeed waxay ahady qof waayo aragnio ku dheehantahay waxayna Salmaan ka wareystay noloshiisa isaguna si daacad ah ayuu ugu waramay, Samiya hooyadeed waxay ku tidhi “wiilkeygii qofka wanaagiisa ayaa la eegaa ee lama eego dan la aantiisa iyo kala duwanaanta nolosha waana kugu taageersanahay nolosha cusub ee idiin bilaabmeysay adiga iyo Samiya in muddo ah markii ay sheekaysteen salmaan iyo Samiya hooyadeed Xaawa wuxuu u dhiibay telfoonkii kuna yidhi samiya hooyo ayaa kula hadleysa ee la hadal. Markii Samiyi gashay qolkii hurdada si ay hooyadeed ula hadasho wuxuu Salmaan oo qolkii fadhiga joogay is weydiiyey madhabaa ma dhalanteedabaa noloshaada is bedeshay isaga oo leh kelmadahan ala nasiibku cajaayibsanaa noloshaydu dhakhso ayey ku bedelanatay.            In muddo ah markii ay samiyi la joogtay ayey ku laabtay gurigii eedadeed una sheegtay in ay ka timi wiil ay maalmo hore isa soo barteen berina uu guriga iman doono si ay reerka u barto. Subax nimadkii markii waagii beryey waxy samiyi soo aaday dhankii Huteelka kana soo kaxaysay Salmaan si ay reerkooda u soo barto markii ay gurigii soo galeena waxaa indha ku dhufatay eedadeed iyo inantii ay ilmaadeerka ahaayeen waxayna isla markiiba eedadeed qaylisay af labadii oo tidhi “bisinkee ma ninkii kirshboyga ahaa ayaa shaadh kuu soo xidhay oo aad eedo la sheekaystay” Salmaan waran ayaa la daf siiyey waxaase markiiba ka jawaabtay oo hadsahay Samiya iyada oo tidhi “waad khaldan tahay eedo hooyadayda i dhashay kama hadli karto jacaylkayga markaas wax aan danahaaga ahayn ha gelin” hadana waxaa eedo wanaagu ku jiraa in aad raali geliso Salmaan, samiyi waxay ku khasbatay eedadeed Faadumo in ay raali geliso Salmaan.            Xidhiidhka Salmaan iyo Samiyi wuxuu noqday sidii nin iyo xaaskiisa oo kale wayna kala maarmi waayeen mar qudha Salmaan waxaa soo baxday quruxdiisii wuxuuna magaalada Burco ku mari jiray baabuur ay Samiyi u iibisay wuxuuna noqday qof ka baxay noloshii hore kuna noolaaday nolol sare Salmaan wuxuu Saamiya ka dhigtay indhihiisa wuxuuna ka jecelaa wax walba oo dunida korkeeda yaala.                                          Muddo saddex bilood ah markii xiriirkooda jacayl sidaa ahaa ayaa maalintii danbe Samiyi u soo bandhigtay in ay is guursadaan noloshana wadaagaan Salmaanna waa uu ka aqbalay gacalisadiisa wax walba, wuxuuna arooskoodu ka dhacay magaalada Burco ee gobolka Togdheer muddo markii ay wada noolaaayeena waxay Samiyi u sheegtay in ay uur leedahay dooneysana in ay ku laabato waddanka Canada si ay halkaa ugu wada noolaadaan inta noloshooda ka hadhsan iyada iyo ilmaha ay uurka ugu sido. Salmaan oo xaaskiisa aad u jecelaa Kama uu diidin go’aankaa ay u soo jeedisay wuxuuna ku yidhi wax walba oo aad aduunyadan jeceshahay waan kula jeclahay xitaa hadii aad naftayda u baahatid waa khasab in aan ku siiyaa oo aan kuu huraa!            Dad ku midoobay jacayl oo nolosha is dhaafsaday ayaa fahmi kara micnaha jacaylku leeyahay waayo waxaa dad badan ka indha la yihiin in jacaylku bedeli karo nolosha qofka taana waxaa daliil u ah qof aad noloshiisa fiqiir ku ogeyd oo taajir noqday ayaad arkaysaa taana waxa keenay qof uu si daacad ah u jeclaaday oo horu mar gaadhsiiyey,Salmaana waxaa u bilaabantay nolol ka sii fiican tii hore waayo wuxuu nasiib u yeeshay in markii xaaskiisu ku laabatay waddanka Canada  ay u ashtakootay iyada oo tidhi ninkayga oo jooga Somali-Land ayaan doonayaa in lay keeno si uu halkan igula noolaado maadaama oo aan uur leeyahay soona dhawdahay xiligii aan umuli lahaa. Maalin ayaa Salmaan oo u soo baxay dhanka suuqa watana Baabuurkiisii kana fekerayey xaaskiisa Saamiya oo ahayd qofta keliya ee u aduunyada ka fiirsanaayey wuxuu si lama filaan ah afka hor ee baabuurka ugu dhuftay baskii uu markii hore ka ahaa kerish boyga oo uu watay ninkii shaqada ka eryey.  Salmaan isla markiiba markii uu arkay in uu shil galay wuxuu istaajiyey baabuurkii waxaase si degdeg ah daaqada baabuurka u furay oo soo baxa ninkii dirawalka ahaa isaga oo ku hadlaayey ereyadan “waa laayaabe dadka lacagta leh ma baabuurta dadka ee bariiska lagu raadinayo ayey duqeenayan hadii ay baabuur meel ay kala geeyaan garan la’yihiin oo maalinba baabuur suuqa ugu so baxayaan”.            Salmaan oo qofkii arkaa aanu ka jeesan Karin cadaanta iyo quruxda iyo weliba lebiska u sii dheer ayaa ka soo degay baabuurkii wuxuuna ku jawaabay iga raali noqo khaladku waa dhacaa hadana hoo lacagtan $400 oo ku sameyso midna ogow aduunyadu way is bedeshaa waana hadhkaa labadiisa gelin qof binu aadan ahna lama xumeeyo oo weji xumo laba dhigto, runtii walaal heerkan adigaa i gaadhsiiyey $50 waa sameynta baabuurka $350 kalena waxaan kuu siiyey abaal marinSoomalidu waxay ku maahmaahdaa aduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laaban Waa tii uu Abwaan Maxamuud “waraabe:” gabaygiisii baryo saatir ku lahaa “hadba kii sar dheer fuula waa u sacab garaacaan oo sawdkuu yidhaahdab horaa looga saxayaa” ee ninkii dirawalka aha wuxuu la yaabay nolosha sare ee uu ku nool yahay Salmaan iyo sida qofkii hore u yaqaanay aanu u garaneyn wuxuuna yidhi isga oo waayo arag nimo waa duun oo wax walba waa la arkayaa iga raali noqo Salmaan khaladkii aan kaa galay iskana kay cafi walaal, dhib ma leh ayuu ugu jawaabay Salmaan             Salmaan wuxuu noqday wiil ay dadka wax garadka ah oo dhan jeclaadaan qof walba ku cibro qaato nolosha soo martay iyo is bedelkiisa isaguna wuxuu noqday qof aan ilaawin noloshii hore una daryeela naxariisna u fidiya qof walba oo taag daran inta uu ka war hayo, sidoo kale Salmaan wuxuu gargaar u fidin jiray qof walba oo garab ugu soo baahda maal hadii ay tahay iyo xoog hadii ay tahayba  mana noqon qof markuu lacag yeeshay kibray oo dadka ka dhex baxa isla weynina gasho.Salamaan markii uu muddo ku noolaa dalkiisa hooyo wuxuu soo aaday Wadanka Kenya si uu uga sii aado halkii ay ku noolayd xaaskiisu oo ahayd waddanka Canada.Salmaan wuxuu nasiib u yeeshay in wax walba u haagaan oo uu aado waddanka Canada isaga oo halkaa kula noolaaday xaaskiisii uu nolosha oo dhan u hibeeyey ee Saamiya, wuxuuna noqday Nin aan marnaba ka ag dheeraan xaaskiisa halka dad badan oo is jecel kala fo’gaadaan oo qalbiyadoodu kala daboolmaan sidoo kale Saamiyi waxay iyaduna u jeclayd ninkeeda si aan la sheeki karin waxayna u dhashay dhawr carruur ah. Ugu danbeyntiina waxay noloshoodii iyo jacaylkoodii ku gaba gaboobay waddanka Canada isaga oo ka helay shaqo aad u wanaagsan.


Comments

Popular Posts