QUR'AANKU WAA NOLOL IYO NUUR W/Q:Mohamed Rashiid


 QURAANKU WAA NOLOLIYO NUUR

HORDHAC


Bismi laahi, Eebeheena raxmaanka ah baa mahad oo dhan iska leh, Naxariis iyo nabad galyana Nabi Maxamed (SCW) korkiisa ha ahaato, Asxaabtii rumaysay oo raacdayna Rabiga waduudka ah haka raali noqodo. Qofkii muslim ah oo manhaajkaas/­dastuurkaas raacaana Dembi dhaaf allaha qafaarka ah u dembi dhaafo baan u rajaynaynaa maalinta weyn ee qiyaamaha ee naf kastaaba yanfariirkiyo yaabku hadheenayo


Eebeheena cadiimka ah wuxuu yiri: “Ilaahay wuxuu soo dajiay hadal kan ugu wanaagsan (waa kitaabka qur’aanka kariimkaaye) kitaabkaas isku eg eg xaga Kalimaadkiisa, macnaha quruxda badan iyo miizaanka uu xanbaarsanyahay, kitaabkaas oo Xikamad la soo laalaabanaya. Kuwa Ilaahay ka cabsanaya markay akhriyaan ama maqlaan waxaa jiriracoonaya jirkooda. Kadibna jirkooda iyo quluubtooduba waxay u jilcaysaa dikriga iyo xasuusta Alle. Taas waa calaamada lagu yaqaan hanuunka Eebe. Ilaahay subxaanahu watacaalaa ciduu doono buu hanuuniyaa. Qofkii Ilahay luminayo cid kale oo hanuunin karta ma jirto” Macnaha Aayada 23, Surada Az-Zumar.


Aayadaan waxaa Ilaahay soo dajiyay kadib markii ay Asxaabtu dhaheen Nabi allow noo sheekee ayagoo muujinayay markaas sida ay u jecleysteen Xikmada Nabiga (SCW).


Ilaahay subxaanahu watacaala oo tilmaamay sida caajiibka leh ee Nabigu asxaabta wax u bari jiray wuxuu yiri” waxaan idiin soo dirnay Rasuul idinku dul akhrinaya aayadaheena, oo quluubtiina iyo qalbigiinaba ka sifaynaya waxkasta oo xun, Rasuulkaas oo idin baraya Kitaabka qur’aankaa iyo xikmad -waa axaadiista Rasuulkee- wuxuuna idin barayaah shey weyn oo iinaan horay u ogayn” Macnaha Aayada 151, Surat Al-Baqarah.


UBUCDA WEEDH MURTIYEEDKAYGA


Walaalkayga iyo walaashayda soomaliyeedow inagoo wada garanayna qowlka eebe ee kariim ah waxaan jeclaan lahaa in aan maanta idiinku jalbeebo tix gaaban oo aan curiyey 23/Octoobar/2020.


Tixdan oo iskugu jirta meersiyo duca ah iyo meerisyo idiin xasuusinaya sida Ilaahay nowgu naxariistay markii uu noo soodajiyay Qur’aanka kariimkaa oo Ilaahay ku tilamaay:-


1: Quraanku inuu nooleynayo ruuxdeena,


2: Quraanku inuu naga saarayo Mugdi noona saarayo Iftiin iyo aragti waasaca


3: Quraanku inuu naga korinayo Naar nana galinayo Janno, inuu noo hor seedayo Najaax aduunyo iyo Nicmo Akhiro intaba


Inagoo og allaha xakiimka siduu inoogu naxariistay markuu quraanka inoo soo dejiyey, ma koobi karno nimcooyinka ilaahay ina siiyey iyo faa idooyinka faraha badan ee ku jira akhrinta Qur’aanka kariimka, iyo sida qur’aanku u yahay dastuurka xaqa oo dhamays tiran oo qofkii fahma kuna dhaqmana nolashiisu toosayso dhankasta haday tahay: Qalbi, Qowl, Fikir iyo Ficil .


” Qof mayd ahaa oo aan nooleeynay, hadana aan u’samaynay nuur ku dhexsocdo dadka, ma wuxuu la mid yahay Qof ku jira mugdi uusan ka baxayn……” buu ku iyiri Alle aayada 122 ee Suurada Al-Ancam.


Maalikow adigaa nasri noogu deeqay iyo manhaj ifiyo aakhiraba aanu ku najaxayno eebow adigaan kugu mahdiyaynaa nimcadaad na siisay lama koobi karayeee....


Tixdii waa tan dheehasho wacan


"Quraanku waa siraadiyo nuuriyo, Nalkii qalbige


"Waa daawo xubintii naafowda, Lagu nooleeyaaye


"Waa duxiyo nafaqo imaanka, Lagu naaxiyaaye


"Waa dastuur naftii lagu hagaa ifiyo, Aakhoba najaxaysaaye


"Waa nidaam umadii lagu dhaqaa, Naflaha kale looguu saraysiniye


"Eebow nasri aad na siisayoo, Kugu xamdi naqayno weeyaane


"Eebow Kuwii nuxurka quraanka fahmoo ku dhaqma, Naga yeel


"Eebow kuwii cilmi nafcile bartoo, Kugu shugriya naga yeel


"Eebow kuwii sunaha nebiga(scw) ku taagne, Ilaaliya naga yeel


"Eebow kuwii xumaha nahiya ee samaha, Isfara naga yeel


"Eebow kuwii nudub qabyaaladeed ka nadiifoo, Naadifoon naga yeel


"Eebow kuwa naqsiyo nuunu xan, Carabkoodu naqishin naga yeel


"Eebow kuwa gaalka najiska la jihaadee, Diinta nooleeya naga yeel 

"Eebow kuwii naarta laga xoreeye, Janada gala naga yeel


"Eebow ducadaaan nuunka gabaygiyo, Nasuusta ku dhigay


"Naasirow allahayow iga aqbal adigaa, Mujiib naxariis badan ahe Aamiin Aamiin By:


W.Q Mohamed Rashiid Aadan


Allow Xaqa Na Waafajiy oo, Weedhayada wanaaji

Comments

Popular Posts