SHEEKO GAABAN OO XIKMAD LEH... ,W/Q: Mohamed Rashiid

SHEEKO GAABAN OO XIKMAD LEH... Wiil ayaa wuxuu ku yidhi aabihiis, “Aabe waxaan soo arkay gabadh aad u qurux badan, waxay leedahay indho qurxoon, joog iyo jamaalna waa loo dhameystiray, waxaan rabaa inaad ii doonto gabadhaas oo aan guursado.” Odaygii ayaa yidhi “waa kuu doonayaa Aabe hadiiba maanta aad gabadh ku qancisay soo arkatay, balse marka hore gabadha aan arko. Odaygii markii gabadha la tusay wuxuu yiri, “wiilkeygiyow uma qalantid gabadhaan waayo waxay u baahantahay qof waayo arag ah sideyda oo kale. Wiilkii oo la yaaban damaca aabihiis ayaa ku adkeystay inuu isagu gabadha guursanayo, muran iyo dagaal kadib waxaa lagu heshiiyay in la aado saldhiga booliska si loo kala saaro labadooda. Taliyihii saldhiga joogay markii ay u sheegeen arinta ay isku heystaan wuxuu ku yiri gabadha itusa marka hore, markii la tusay ayuu yidhi labadiinaba uma qalantaan gabadhaan waxay u baahantahay qof sharaf leh sideyda oo kale, mar kale ayaa dagaal la galay,sadddexdii nin waxay u gar dhigteen duqa magaalada. Duqii magaalada markii loo sheegay arinta isna wuxuu dalbaday in gabadha la tuso,markuu indhaha saarayba wuxuu yidhi gabadhaan waxaa u qalma oo kaliya masuul aniga oo kale ah. Arinta markaan waxay gaadhay, wiilka boqorka oo aad looga dambeeyo, afartoodii ayuu isugu yeedhay si uu u xaliyo dhibka dhexdooda ka jira, balse markuu gabadha arkay ayuu is badalay wuxuuna ku yidhi nimankii kale “yaa idin yiri gabadhaan haweysta anigoo jooga,” halkii ayaa madax mar kale la isla galay oo dagaal adag ka dhex dhacay shantii nin. Ugu dambeyn gabadhii ayaa tiri aniga ayaa idin kala saaraya, waan ordayaa, shantiina qofka ugu horeeya ee isoo qabta ayaa i guursanaya, sidii ayaa lagu heshiiyay. Gabadhii quruxda badneyd way oroday, shantii nin ayaa ka daba cararay, iyagoo aan gaadhin ayey ku dheceen god weyn. Gabadhii intay u soo laabatay ayey soo dul istaagtay godkii ay ku jireen waxayna ku tidhi “Ma I taqaanaan qofka aan ahay?” “Waxaan ahay #Aduunyo, dadku way iga daba cararaan waxayna rabaan inay aniga i helaan, way igu loolamaan iyadoo mid walba aniga i doonayo, waxay iloobaan in aan ahay mid waqtigeedu gaaban yahy isla markaana aysan jirin cid idaba cararta oo guul iga gaadhaysa, ilaa ugu dambeyn ay ku dhacaan God iyaga oo aan wali i helin.... W/Q: Mohmetrazhit.....

Comments

Popular Posts