HABLAHEENA MAXAA QAAWIYEY OO QURUXDA U DIIDEY... W/Q: MAHAMAED RASHIID...

HABLAHEENNA MAXAA QAAWIYEY OO QURUXDA U DIIDAY? W/Q: MOHAMED RASHIID AADEN
/ December 6, 2020 Quruxdu waa shayga ugu badan uguna saamaynta badan ee bini-aadam wakhtiyo maaniyo feker badan uu siiyo. Eeggii ay timaado rag iyo dumar oo labadaba si wadar ah loo faray inay is qurxiyaan, diintuna ay aad u dhiirrigelisay; hablaha ayaa ka saamayn iyo badsasho badan kolka la barbardhigo ragga, sababtaas, natiijadu waxey noqotay in feker iyo wakhti badan geliyaan siday isku qurxin lahaayeen; gabadh walbaa waxay ku faanto oo ay iskaga soocdo aynigeed, waa intay bidayso inay ka qurux badan tahay oo ka qiime iyo muuqaal roon tahay; eeggii la takooro aqoonta, waayo-aragnimada iyo fekerka. Halbeeg iyo miisaan lagu baadho macnaha dhabta ah ee quruxda, ama si fudud loo sugi karo qeexidda kelmadda iyo waxa ay quruxi tahay, ama tilmaamaha iyo sifaaad ka loo aqoonsanayo qurux in lagu suureeyo; bani-aadam ku horay iyo haatan afgarad iyo heshiis midna kamuu yeellan. Sababtaas, kala duwanaan shaha aragti iyo feker ee qof walbaa quruxda si u yaqaanno sina u qiimeeyo, qof ka kalena kaga aragti duwanaado oo ku khilaafo ayey keentay. Hebel ayaa kolka uu tilmaamayo hebel kale oo raba inuu kuu sheego ama adiga kaa dhaadhiciyo quruxdiisa, wuxuu ku dhahayaa waa qof dheer, midabkiisu casaan aad u dhalaalaya yahay, qaarka sare u weyn, dhexda u yar, wajigiisuna waa Fii, cod macaan oo debecsan leh, murqihiisuna ay muuqdaan oo dhisme ahaan aad u dhisan, san dheer iyo af yar ayuu leeyahay, indhihiisuna waaweyn weeye, dhegihiisuna aad uma balaadhana oo waliba qoor dheer ayuu leeyahay. Intaa markaad ka qorto hebelkaas aad taqaano oo si fiican u dhegaysato ayaa mid kale kuu imaanayaa, kolkaad quruxda qof aad weydiiso oo uu kaaga sheekeeyo aragtidiisa quruxda, waakan ku dhahaya, qofkaasi waa inuu gaaban yahay, madow saa’id ah leeyahay, qaarka hoosana u weynyahay, dhex balaadhanna waa inuu lahaadaa, wajigiisuna baaf waa inuu noqdaa, cod laga baqanayo oo laga naxayo waa inuu leeyahay, Af balaadhan iyo indho yaryar waa inuu lahaadaa, dhego waaweyn iyo san daloolo waaweyn leh waa inuu lahaadaa, qoor gaaban oo liicsanna waa inuu leeyahay. Si toos ah, akhriste waxaad ujeedaa in labaas qofood kala tageen oo laamo kala duwan oo dhanka fekerka ah raaceen oo aysanba isku si u fahamsanayn sida loo sugayo ama loo dhigayo qeexidda quruxda. Kol haddii lagu kala aragti duwanaaday hannaan ka iyo habka uu qof u qeexi karo quruxda oo labo qofood mid kastaaba haysto manhaj ku qotoma fikirsiisa oo gadaal ay ka riixayaan caqiidadiisa, dookhiisa, garashadiisa, xiisihiisa iyo doorashadiisa, waxaa kaloo ka dhalanaysa in lagu kala duwanaado wax kasta oo soo hoos gelaya dookh, dareen ama doorasho sida quruxda: cunto, dhar, guri, kuulliyad, dhisme, sharaab, cimilo, magaalo iyo IWM. Eeggaynu ogaanay in bini-aadamku si weyn ugu kala fogaaday qeexidda dhabta ah iyo halbeegga lagu qotominayo quruxda, waxaa jira waxyaabo laysla oggolyahay oo la dhihi karo waa mowduuci iyo macnawi. Qof walba oo dunidan jooga jiritaamo muhiima ayuu leeyahay, waxaa ugu horraysa jiritaanka aadannimo “Human identity” kaasoo si weyn u caddeeya in shakhsigu yahay aadane leh astaamihii, dareemmadii iyo akhlaaqdii, waxayna meesha ka saartaa in qofkaas yahay Daanyeer, Doofaar. Dirxi ama Dooli. Jiritaanka labaad waxa weeye “Religion Identity”, wuxuu asna cadeeyaa oo si fiican u sharxaa qofka iyo aragtida caqiido ee uu rumaysan yahay. Meereeyahan haatan lagu noolyahay, lays kama iman ee ujeeddo, aragti iyo falsafad ayaa loo yimid, sababtaasi waa ta dhalisa in ruuxu isweydiiyo cidda uu yahay, ujeeddada uu u noolyahay, macnaha ay ka dhigantahay inuu nolosha xubin ka yahay oo uu kusoo biiray, shaqada laga sugayo iyo fahamka awooddaha iyo dabeecadaha, waydiimahaas iyo kuwo kaloo ciidaa ka badan oo idaylkood eegga lawada sheegi karin loona yaqaanno “Waydiimaha Falsafadda” ayuu ruuxu jawaab u baadigoobaa oo cilmibaadhis iyo daraasad ku sameeyaa. Jiritaanka saddexaad waxa weeye “Culture Identity”, noocani waa awood iyo mug fikri nololeed kadib awoodda iyo mugga fikri ee diinta, wuxuu tilmaamaa in qofku iska iiman adduunyada ee ay jirto hab uu u yimid iyo hannaan uu soo maray. Bini’aadam walba oo garashadiisu gob tahay, fekerkiisu farshaxan yahay, aragtidiisu asal raac tahay wuxuu ogyahay oo rumaysanyahay si xooga, habka aadanuhu dunidan ku yimid ay tahay hab-abuuriseed “Creationism Theory” ee aysan ahayn hab-horumarineed, taasoo ay aaminsan yihiin gaalo waaweyn oo faalasifo mulxidiin ah oo garaad xumayaala oo lagu tilmaami karo xattaa inay ku gefeen sooyaalka aadanaha iyo summadiisa jiritaan, ninka aragtidan la yimid ee kuwa rumaysan aabbe ugu ah waa Charles Darwin. Eeggaan isla fahamnay in basharku uusan daanyeer ka iman kana soo farcamin ee Allaah SWT abuuray, waxaa kaloo iyana shaki iyo mugdi ku jirin hannaanka uu dunida ku yimid qofkii ugu horreeyey ee jiritaan bini-aadam leh – Nebi Aadan CS, waxey ahayd hannaan abuur oo Allaah SWT ayaa dhoobo ka abuuray, sidaasna waxaan u fahmi karnaa in Allaah SWT uu yahay ka unkay basharka. Wixii intaas ka dambeeyey shakhsi walba aabe iyo hooyo iyo kulan kooda ayuu kasoo jeedaa, ayaguu ku abtirsadaa had iyo jeerna waliba uu ku faanaa, waayo? Bani-aadamku way caayaan wayna colaadiyaan ruuxa aabihiisa aan lagaranayn – garaca. Nebi Ciise CS isagu amarka eebe ayuu la keliyoobay. Kol haddii saddexdaas aragtiyadood ee jiritaanka qofka khuseeya soo fahamnay oo soo daraasadeenay, waxa ay tahay inaan ogaano eegga waa in ruux walbaa nolosha ujeeddadeeda iyo fahamkeeda ka qaadanayo masaadirta noloshiisa, sidaas owgeed, mid walba oo annaga ah – bini-aadamka, wuxuu isku dayaa inuu helo nolol fiican oo sarraysa oo qiime iyo qaayo leh, taas si uu u dabaqo waa in uu la yimaadaa feker nool iyo aragti leh bidhaan fog oo dhalaalaysa; si uu u fekero waxaa laga maarmaan ah helida erayo uu ku fekero oo uu ku dhiso danihiisa, dookhiisa iyo doorashadiida, si lamida, waa waajib inuu helo aqoon caqiido oo hagta oo samaanta iyo xumaanta, xalaasha iyo xaaraanta iyo mustaqbalka nolosha u cadaysa, qeexda oo waliba u kala dhigdhigta. Isla judhiiba waxa aad fahmayso waa in laga maarmi karin diinta iyo dhaqanka, sidaa darteed ayaa arkaysaa in maanta bulsho walba inay si xoog ah u ilaashanayso diintooda iyo dhaqankooda, oo geeri ay ka xigaan inay ka haajiraan iyo in lagu takooro oo lagu quursado. Quruxda kolka la yidhaahdo, waydiinta hore oo aanba loo heli karin jawaab ayaa ah, waa maxay qurux? Laakiin, kolka qof walba ka jawaabo oo meel la aado qeexideeda iyo abla-ablaynteeda, wuxuu basharku isla fahmaa dhowr qodob oo muhiim ah. In ruuxa oo ilaashada diintiisa oo xagjir ku noqda oo si wanaagsan u fahma kuna dhaqma oo jecel haddana inuu faafiyo, inay qurux tahay. In shakhsiga oo ilaashada dhaqankiisa, afkiisa iyo akhaalaqda oo uu raaciyo sooyaalkiisa, suugaantiisa, dadnimadiisa iyo qof ahaantiisa sida shakhsiyaddiisa, shaqadiisa, iyo sharaftiisa ay qurux tahay. Sidaa owgeed, waxaa si fudud loo fahmi karaa in qeexidda iyo fahamka kelmadda qurux iyo waxkasta oo ruuxu qurux inay tahay uga mara kici karo ay ka tarjumayso diintiisa iyo dhaqankiisa. Anigu Zinnada waxaan u arkaa maado xaaraan ah falkeeda, aragti ahaanna wax fool xun oon qurxoonayn, inaan ku sheego inay foolxuntahay oo aysan quruxba lahayn waxaad fahmi kartaa inay ka timid awoodda caqiido een rumaysanahay oo ah Islaamka. Waxaa iiga aragti duwan wiilka reer Galbeed oo u arka wax qurux badan waxaad mar kale fahmi kartaa isna in diintiisu u fasaxday sidaasna u qurxoon tahay. Kolka aan kasoo talaabo tusaalaha dhanka caqiidada ee dhaqanka u imaado, anigu waxaan kasoo jeedaa bulsho degan geeska qaaradda Afrika oo Soomaali la dhaho, waxaan aaminsanahay oon kuu sheegi karaa in dirxiga, baranbarada iyo jiirka oo la cuno aan ka aaminsanahay inay tahay wax foolxun oo dhaqan ahaan annagu aanan cunin, halka wiilka ku nool qaaradda Aasiya barigeeda dhaqan u tahay oo quruxna u tahay. Si kale, labiska ay bulshadayadu ay aalaa xidhaan oo lagaga sooco bulshooyinka kale waa ka geddisan yahay kan ay xidhaan bulshada reer Baarma, kayga qurux baan u aqaanaa koodana foolxumo. Bulshada Soomaaliyeed caqiido ahaan waa Muslimiin ku qanacsan oo rumaysan diinta saxda ah ee xaqqa ah ee Islaamka, waxayna leeyihiin dhaqan hidde raac ah oo leh cimri dherer badan, sidaa owgeed qof walba oo Soomaaliyeed ruux ahaan waa Muslim, muuqaal ahaanna waa Soomaali ku hadlaya afkiisa, ku faanaya dhaqankiisa iyo hiddaha qurxoon ee uu leeyahay, gabayga ku hadla oo ku maahmaaha oo ku gole taga. Haddaba, qurux waxaan ku sheegnaa wixii diinta iyo dhaqanka qurux ku ah oo aysan ku sheegin foolxumo. Sidaa darteed, maadaama masaadirta nolosha aan ula laabano diinta xaqqa ah iyo dhaqanka intiisa wanaagsan, qurux waxaan u naqaannaa wixii aan ka hor imaanayn shareecada barakaysan, qiyamka bini-aadannimo, akhlaaqda suuban, anshaxa wanaagsan iyo garashada toolmoon. Hablaha Soomaaliyeed, waagii hore inkastoo diintu dadka ku yarayd oo culimo badan oo rabbaaniyiin iyo raasikhiin ah aysan jirin haddana, waxay kusoo caano maaleen oo kusoo dhaqmeen dhaqankii wanaagsanaa ee bulshadu ab-ka-ab lahayd. Waxey ahayd inan wanaagsan oo aaminsan dhaqanka, aqoon badan u leh suugaanta iyo ehelkeeda, aad bay u taqaannay farsamooyinka gacanta oo waliba maahirad tagtay ku ahayd, anshax iyo edeb lala yaabo oo ay u dheertahay xishood iyo xarrago ayey lahayd. Ceeb bay agteeda ka ahayd inay is qaawiso sida: inay iska dhigto walax raqiis ah oo jaban oo nooc walba oo beec ah lagu qiimeeyo; inay xubnaheeda qaalliga ah ee dheemanka ah ee cowrada ah muujiso oo gayaankeed u fasaxdo daawashada iyo dardarrida; inay ragga dhex gasho oo ay ku milanto oo ceeshoo milix ay noqdaan; mid kasta oo soo hungureeya inay hadalka la jiibiso oo haaheyda u wado; inay noqoto alaab xayaysiin loo isticmaalo oo carwooyin ku u isticmaalaan si ay ugu xayaysiistaan shaambooyinka, baarafuunnada iyo saliidaha. Xishoodku waa aabbaha dhaqan wanaaga iyo ilbaxnimada nooceeda macnawiga ah, waxaa intaas u dheer dhowrsoonaan adduun iyo aakhiraba iyo ajar labada daarood. Waxaa muhiima inaan ogsoonaanno in xishoodku yahay wax allaale wixii wanaag ah oo diinteenna, dhaqankeenna iyo dadnimadeenna aan dhaawac u geysanayn, waxaana cagsi ku ah dhaqanxumo idaylkeed. Shareecada islaamku aad iyo aad ayey uga hadashay oo ay u siisay dareen gooniya iyo muhiimad gaara, culimaduna way u hagra baxeen oo tan iyo xilligii dhigane qoristu bilaabatay, boqollaal kutubo iyo maqaalo isugu jira ayey qoreen, kumannaan muxaadaro iyo duruusna way ka galeen. Haddaan soo xigsado diinta islaamka iyo waxa ay ka tiri xishoodka. Allaah SWT wuxuu qur’aankiisa ku yidhi “و إنك لعلا خلق عظيم” isagoo nebigiisa Muxammed ku sifeeyey akhlaaq wanaag. Nebi Muxammed SCW wuxuu ka yidhi xishoodka: “ و الحياء شعبة من الإيمان”, xishoodku waa qayb kamida iimaanka; riwaayo kale, xishoodku waaba iimaanka / الحياء من الإيمان. Markale, xishoodku lama yimaado wax khayr aan ka ahayn/ الحياء لا ياتي إلا بخير. Markale, xishoodku waa iimaan, iimaankana jannada ayaa lagu galaa/ الحياء من الإيمان؛ و الإيمان في الجنه. Markale, samee waxaad doonto; hadaadan xishoonayn/إذا لم تستحيي فافعل ما شئت. Xishoodka ayaa saddex loo qaybiyaa, mid fidri ah oo bani-aadamka idaylkood ku abuuran; mid diiniyyan ah oo diintu fartay oo bogaadisay, iyo mid dhaqammeed oo had iyo jeer bulsho walba kala garashada wacnaanta iyo samaanta ama xishoodka iyo ceebta kolka fidrada iyo diinta laga yimaado, dhaqankuna saamayn wayn ayuu ku leeyahay. Qof walba oo dunida jooga wuu jecelyahay in la ammaano, in la dhaho waa xishood badan yahayna waa kasii jecel yahay; qof walba oo dunidan jooga in la dhaliilo waa neceb yahay laakiin se wuxuu ugu necebyahay in la dhaho waa ceeblow iyo ma xishoode. Xukum ahaan waa waajib in qofku la yimaado xishood, xaqqa ugu weynna waa ka loo yaqaan xishoodka Allaah SWT laga xishoodo sidii suubanuhu xadiis sugan noogu sheegay /إستحيو من الله حق الحياء . Haddaba, qof walba oo Muslim ahi waxaa lagu waajibiyey inuu la yimaado xishood, lab iyo dheddig. Iyadoo laba jinsi amarkaas kawada siman yihiin haddana, hablaha si gaara ayaa loola hadlay oo ragga way ka xagjiraan. Qof walba oo caqli, cilmi iyo caqiido leh waa ogyahay sababta arrintaas shareecadu dumarka si gaara ugala hadashay oo ragga ay kaga xagjiraan. Raggii hore ee Soomaaliyeed tilmaamaha ay gayaan kood ku xulan jireen waxaa ugu mudnaa xishoodka, sidaa owgeed ayaad ka fahmaysaa in dhaqanka Soomaalida uu in badan xaqdhawray maadada xishoodka. Hablaha inay tagaan golayaasha ragga oo kaftan iyo haasaawe u tagaan, ama dhaqan aan ka Soomaaliga ahayn dhaqan geliyaan, ama wax allaale iyo wax kasta oo ceeb, foolxumo iyo qaab darro ah suubiyaan, xaaraam ayey ka ahayd oo tii lagu arkana way takoorneyd, way ceebaysaneyd, wayna qaab darneyd. Sidaa owgeed gabadh walbaa waxey isku dayi jirtay inay xishood badan la timaado si aynigeed ay uga sare marto dhanka ammaanta iyo waliba si degdeg ah in loo guursado. Sababtaas, hablo badan ayaa sharaf, maamuus, qadarin iyo wanaag ku helay halka kuwo kale ceeb, takoorid, yaqyaqsi iyo bahdilid lagu qaabilay. Sababtaas, qabaa’il dhowr ah waa tii lagu ceebeeyey oo hablahoodii kaadhka cas loo taagay. Abwaan Axmed Aw Geedi oo suugaanyannada Soomaaliyeed kamida, maanso la dhaho Kor Dahab wuxuu ku sheegay qaar kamida tilmaamaha wanaagsan ee ay leedahay gabadh magacaas kor ku xusan uu siiyey. Waxaana kamida: Dabo-cadar, Deeqa-ladan, Dumar-u-roon, Deris-ma-dhibe, Sama-dugsada, iyo qaar kale oo dhammaantood xishoodka soo hoos galaya. Illeyn waa dahabo cadar Illeyn waa deeqa ladan Illeyn waa doobir badan Illeyn waa damal hadhweyn Illeyn waa dumar u roon Illeyn waa diric kalkaal Illeyn waa deris ma dhiba Illeyn waa samo dugsada Illeyn waa daacad dhaba. Waxaad si wanaagsan u fahmaysaa akhriste sida dhaqanka Soomaalidu ixtiraam iyo xushmad u siiyo xishoodka; iyo sida hablaha tilmaamooyinka lagu qiimeeyo ay kow uga tahay lahaanshaha sifooyinka iyo calaamadaha muujinaya xishoodkeeda. Astaamaha raggii hore ku garan jireen gabadha xishoodka rabbi ku manaystay waxaa kamida kuwa ugu mudan, siday u ilaashato sharafteeda iyo gabadhnimadeeda; siday ugu fiicantahay oo ay u adkayso oofinta balanta; siday afkeeda uga ilaaliso aflagaadada iyo habaarka; siday waalidkeed u daryeesho oo u xanaanayso; siday reerka u dhaqdo oo howlaha qoyska ay iskugu duba rido; iyo siday u tahay qof ka warqabta suugaanta bulshadeeda oo xafidsan kuna maahmaahda, ku buraan burta oo ku garnaqsata. Waxaynu ognahay in xishoodku uu yahay aas-aaska wanaagga oo idil iyo hooyada akhlaaqda, bal culimadu waxey sugeen in akhlaaqdu xishoodka tahay. Abwaan Axmed Aw Geedi markale isla maansadaas ayuu ku yidhi: Xishood bay deyratoo Duryan iyo dawshad iyo Dibnaha hiif kama taqaan Dulqaad baa lagu sedoo Dhib iyo dibindaabyo maleh Haddii hablihii hore ay tilmaamooyinkaas lahaayeen bal aynnu aragno kuwan iyo sida xaalkoodu yahay. Walow inbadan oo hablaha sebenkani aysan xumayn oo aad iyo aad u wanaagsan yihiin kana dhicin kuwii hore, hadii aysan ba ka qiimi badnayn, inagoo og in boqol halaad, faras iyo qori Ak 47 lagu guursan jirey gabdhihii berigaas. Kolka aan ka hadlayo dhaqan xumada iyo ceebta qaar aan badnayn oo haweenka xilligan yaan loo fahmin idaylkood inay ka wada siman yihiin. Sidaas oo loo fahmo waa gardarro iyo gef loo gaysanayo si ula kac ah dumarka sharafta badan ee Soomaaliyeed. Burburkii iyo qaran-jabkii Soomaalida, shaki iyo mugdi waxaan ku jiriin sinnaba in bulsho burburtay dhaawac iyo geeri badan ku imaanayo dhan diineed, dhaqammeed, siyaasadeed, dhaqaalleed iyo bulsho ahaan ba. Haddaba, is dhexgalkii qowmiyadaha ee kuwii dalka ka dhoofay iyo saamaynta xoogga badan ee tiknoloojiyadda ee dalka, waxay la timid dhaqan xumooyin farabadan kolka laga tago wanaagga badan ee ay la timid. In la cadeeyo oo laga hadlo arrimahaas soo derriyey ee foosha xun, waa waajib diineed iyo qadiyad ummadeed. Iyadoo ragga iyo hablaha, labaduba, dhaqan xumo tiro beel ah ay la yimaadeen haddana, kuwa dumarka way ka saamayn badan yihiin wayna ka tiro badan yihiin kuwa ragga, isbar-bardhig caqli, cilmi iyo caqiido kolka la sameeyo. Idamka Allaah SWT kuwa ragga marbaan jeclahay inaan ka hadlo hadaanan geeryoon. Dhaqan xumooyinka hablaha casriga ayagoo badan haddana, kuwa ugu waaweyn ayaan ku gaabsanayaa. Kow, waxaa ugu horraysa in dharkii ay iska dhigeen ayagoo soo xidhanaya dhar khafiifa oo xubnahooda ragga dareenka ku kicin kara ay si toos ah oo la arki karo u muuqanayaan. Waxaynu ognahay calaamadaha qiyaamaha waxaa kamida sida uu suubanuhu SCW noo sheegay in la arki doono dad dhargashan haddana qaawan oo kuwa aan qaawanayn waxba ka duwanayn. Ayadoo xijaabku qeexid sugan iyo maryo qeexan oo laysla oggolyahay jirin haddana, waxaa laysku raacsan yahay in dhar walba oo buuxin kara sideedda shuruud ee culimadu u dejiyeen xijaab yahay, waxeyna yihiin: Maradu: Waa inay asturaysaa dhammaan jidhka gabadha Maradu: Waa inaysan lahayn udgoon cadareed Maradu: Waa inaysan u ekaan dharka gaallada Maradu: Waa inaysan lahayn qurux badan Maradu: Waa inaysan u ekaan dharka ragga Maradu: Waa inaysan khafiif ahayn Maradu: Waa inaysan cidhiidhi ku ahayn jidhka Maradu: Waa inaysan noqon maro dadka kaa dhex saarta FG: Inshaa-allaah, arrinta xijaabka si gaara ayaan uga hadli doonaa oo maqaal ayaan ku faaqidi doonaa, hadaanan dhiman inshaa-allaah. Hablaha Soomaaliyeed ee wakhtigan mid Allaah SWT u naxriistay oo fitanka iyo fasaadka ka dheereeyey mooyaanee, intooda kale way ku tunteen dhammaan siddeedii xeerar ee loo dajiyey xijaabka. Waxayna u kala baxeen labo qaybood. Qaybta koowaad: Waxay ku labistaan maro sinna toob u ah sinna hagoog ugu ah, kolkay soconayaan ama ay taagan yihiin waxaa si toos ah u muuqata naasahooda iyo baridooda, taasoo fitanka ay abuuri kartaa diinteenu si fiican uga hadashay. Qaybta labaad, waxay ku labistaan oo aalaa xidhaan dirac iyo foodad, ama cabaayad iyo khamaar; labaduba, waxay si toos ah u u sawiraan xubnihii hore een soo sheegnay. Gabdhaha waxoogaa cayilan/buuran iyagu way ka xagjiraan kuwa caatada ah. Labo, waxaa dhowaan soo baxay dhaqan ajnabiya oo hablaheennu qaar aqbaleen taasoo ah, in la durto sanka, xundhurta iyo dhabanka. Maalinba maalin kadib waxaa la moodaa in tirada hablaha ee dhaqankaas aqbalaya soo badanayaan; waana dhaqan xumo iyo diin xumo haatan lasoo derriyey oo in laga hadlo oo wacyigelin laga sameeyo hadda ay tahay, culimo iyo waxgaradba; siiba culimadeena sharafta mudan ee rabbaaniyiinta ah ee u taagan difaaca diinta iyo la dagaallanka dhaqammada gaallada. Hablo badan waxaa hubaal ah in asturnaan la’aanta (Xijaab iska dhigida) iyo in xubnayaasha in la duro aysan bannaanayn ay la tahay qurux raadin ee aysanba u arkin diin iyo dhaqan xumo. Saddex, soo duubidda muuqaallo daqiiqadaha ay soconayaan 1-3 daqiiqo ah oo lagu aflagaadeenayo qabaa’isha Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn. Hablahan oo ka siman indho shareer – niqaam, waxey isugu jawaabayeen muuqaallo baraha bulshada ay kuwada sheekeysato la gelinayo, siiba Faysbuugga. Inkastoo niqaamka sidii saxda ahayd aysan u xidhan oo la dhihi karo indhaha wixii ka hooseeya ayey dabooleen, waxey isku adeegsanayeen erayo dhaqan xumo ah, waxey aflagaadeenayeen qabaa’il muslimiin ah. Afar, laga soo bilaabo 2008-dii ilaa hadda waxaa xoogaysanaya muuqaallo kala duwan oo laga soo duubay xalfado kala duwan, waxey ka siman yihiin ayaa ah fadaro iyo dhaqan xumo nooceeda markii ugu horreysey ee geyiga Soomaaliyeed lagu arko!!!!!!!!!!. Muuqaalladaas ayaa ah qoob ka ciyaar, jaas iyo niiko dhexmaraysa lab iyo dheddig isku ah gayaan, inta howshaas ay socoto waa laysku dhegayaa, lays istiiminayaa, waliba waxa ugu dhaqanka xumi waa in gabadhu foorarsanayso, wiilkuna uu dabadeeda ku niikinayo, maryaha ay sidataa oo siddeedii shuruud aan waafaqsanayn oo waliba qaawanaan lagu tilmaami karana way xidhan tahay. Subxaanallaah. Shan, dhaqan xumooyinka beryahan soo badanaya waxaa kamida in fanaaniin iyo istuudyo heesaha lagu duubo ay soo saareen dhaqan ah in ninka heesta qaadaya gabadh loo keeno si jilaa ay uga noqoto muuqaalka. Dabadeed ay sameenayso waxyaallo badan oo diin iyo dhaqan xumo oo aan sheegi doono. Ayadoo shaki ku jirin in heesta (Erayada + Digdigda) ay diin ahaan xaaraan tahay kolka miisaanka shareecada la saaro; xaaraantii xaaraan kale ayeyba la timid, is dhexgal ka labka iyo dheddiga, mukhaadaraat, galmo xaaraan ah iyo noocyo kale oo fasahaad ah. Sideedaba, fannaanku waa xarun ay ku kulmaan wax kastoo fasahaad iyo xumaan ah. Lama sheegin fannaan khayr qabe ah oo diinta ku fiican oo ku dhaqma. Eegga lagama doodayo heesuhu ma xaaraan baa mise waa xalaal, diin ahaan? Ma wanaagsan yihiin erayada? Miisaanka maansada marka lagu jaangooyo maanso ahaan ma jaban tahay mise way toosan tahay? Siday ereyadu isu saaran yihiin ma is fasiraysaa? Ma tahay humaageedu mid cuddoon? Farriinta ay bixinayso maka tarjumaysaa murtideeda? Laxanku waa sidee iyo mays leeyihiin muusikadu? Dananka toolmoon ee fannaanka see yahay iyo heerarkee ayuu kaga jiraa mowjadaha codadka? Dareen bixinta iyo jiliddu ma dhammays baa oo ma buuxinaysaa masraxa? Waxaas oo dhan oo waydiimo ah haatan kama doodayo kamana hadlayo; waxa se ii muuqata arrin kale oo qarsoon. Waxaa la bahdilay hablihii quruxda badnaa ee Soomaaliyeed ee laga bixin jiray wixii aynu soo sheegnay, qalanjooyinkii dheemanka ka qaalinsanaa. Tolow see baa loo bahdilay, mase dhici kartaa inay sugan tahay xaqiiqadaasi? Waan filayaa akhriste inaad is weydiinayso eegga. Hadda maskaxdaada fur oo neefta si fiican u qaado. Haa, adiga, adiga de adigan akhrinaya maqaalka ayaan kuula hadlayaa. Gabdhaheennii luulka ahaa waxaa laga dhigtay boombale heesta lagu qurxisto, nin bay la heesaysaa. Inan qalanjo ah oo waxoogaa qurux muuqaaleed leh ayaa loo tagi oo laga dhaadhicin in heesta jilaa ka noqoto, goono dhejis ah oo dhinacyada liid dheer oo badhamo leh oo furfurma ayaa loo soo gelinayaa, si kolkay ordayso ama dhaqaaq ay sameenayso loo arko kubkeeda ilaa bowdyaheeda, garan aan u bixiyey (Indhahaaga Fur) ayaa loo soo xidhayaa, naasaha ayaa si dadban loo giijinayaa si dadka xanuunsan loo sii xanuujiyo, timaha warkooda daa oo way muuqdaan, miyey muuqdaan keliya? Midabyo kala geddisan ayaa loo sameenayaa si dharka ay gashan tahay isku midab u noqdaan. Si aad u fahamto midabkaas, haddii dharka la sito buluug yihiin timuhuna waa buluug, hadii casaan ay yihiina timuhu waa casaan. Balaayo balaayey dhaantaa oo ka acaadu billaysataayeee – sharka yari kawayn ee kaga badan dambiga iyo fitnada wuu la yaabaaye’, intaa laguma dayn, waa lasoo qurxiyey oo koofeer baa la geeyey, waxaana loo soo mariyey maxay? cillaamo kala duwan, waxaa si fudud loogu dhabooqay oo lagu xardhay xubnaheeda, garabka mise gacmaha, qoorta mise qadaadka, faraha mise fooddooda, adaaba sheegaya, indhahaaga ayaa kuu macallin ah. Heestii ayaa hadda la bilaabayaa, dastuurkii ayey dhaqan gelinaysaa, dastuurkee? Ma adaaba wax og!!! Waxaa lagu yidhi kolka heesta la bilaabo soo orod oo iska dhig sidii aflaamtii Hindida ee atariishadu kolkay atooraha aragto usoo carari jirtay, xubnahaaga soo rux oo si doqonnimo ku jirto ha u ordinee socodka ku xarragood oo xakamee oo dhaqaaq qurxoon la imow. Markay haye tidhi intaas laguma ekaaninee, sowta haddana lagu yidhi heesaaga hab sii sidii atariishadu hab u siin jirtay atooraha, labadiina waji is qaabilsiiya oo il naxriiseed isku eega, dhoola cadeeya, gacmaha is qabsada, dabadeed wada socda. Ma waxaad moodaysaa in intaa lagu daynayo, sowta loo sii raaciyey dhabtaada wacan ha ku seexdo, dhexdaada haku dhego, haku war wareejiyo, carar oo haku baacsado kadib haku soo qabto, is dhunkada, isla qosla, is xanxanteeya. Dastuurka qarsoon ee la qariyo ee heshiiska lagula galo gabadh walba oo heesta inay jilaa ka noqoto doonaysa waa taas, istuudyaha iyo fannaanka ayaa la gala, hadii hal shardi oo kamida ay dhaqan galin waydo waxaa laga keenayaa mooshin. Way ila mudan tahay in lays weydiiyo, gabadhu ma bani-aadam baa mise shahwo raggu ku danaysto weeye – eeggii falsafaddii reer galbeedka laga shidaal qaato, mise waa waa boombale oo nolol ba kuma jirto – eeggii falsafadihii hore laga shidaal qaado, mise waa qof aadane ah oo jiritaankii bani-aadaamnimada leh, xuquuq iyo xorriyad leh – eega diinta islaamka laga shidaal qaato, waydiinta layaabka leh waxay tahay goormay gabadhu noqotay aalad lagu qurxisto barnaamijyada – sida muuqaallada heesaha??? Gabadha diin iyo dhaqan leh ee dastuurkaas aqbalaysa ee dhaqan gelinaysa, ma ruux waalan baa?? Ma ruux maankeed la dhaqay baa? Ma ruux dareenkii insaaniyada la gatay baa? Muran kama taagna waa Muslimad waana Soomaaliyad, waa walaasheen waynu naqaanaa oo waliba magaceeda waa heblaayo, laakiin goor diinteedii iyo dhaqankeedii la dhaqay oo ayadoo nool qofnimadeedii iyo haweennimadeedii la iibsaday, anigu ma garanayo!!! Tolow inta yar ay helayso – shilimaadka, miyey jiritaankeedii u luminaysaa oo u ilowday??? Layaab markaad aragto layaab kalaa kaasii yaabiya, kolka layaabkii dambe aad la yaabtay mid kalaa kaa sii yaabinaya, duni lawada yaaban yahay oo layska wada yaabinayo ayaynu ku nool nahaye’, sow anigan arkay inan la qaawiyey oo dhabarkeedii lagu qoray magac istuudyo – istuudyo hebel, iyadoo lagu xayeysiinayo, sowtan sawirkii caalamka lagu faafiyey oo qof walbaa arkay, lasoco meeshu waa Yurub, sharciga gaalladuna wuxuu ahaa in haweenka wax lagu xayaysiisto kolkii la ogaaday in raggu u sixran yahay laakiin ujeeddo fog laga leeyahay arrintaas. Bal taas dhabarkeeda lagu ganacsaday maxaynu ku tilmaamnaa? Anigu kolow waxaan ku tilmaamay *Qof Madhan*. Geeridu iyadoo xaq ah marbay nolosha dhaantaa, waa halkii Abwaan Salaan Carabay lahaa: Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dhereggu xaaraane Dhedigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele Dhadhan malaha aadmigu wuxu kugu dhalliilaaye Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maalye Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide Layaab ka ugu weyn ee kaa yaabinaya waa marka hablahaas waxaas xun eed ka damqanayso adoo nin ah ayba qurux iyo ilbaxnimo horumareed u arkaan. Hadaad wax u sheeg is tiraahdana waxaad ka sugtaa inyar oo raxmaanku u naxriistay mooyaanee cay iyo candhuuf tahay. Markay xaalladu sidaas tahay ayaan isla sheekeystay oon idhi: Hablihii qiimaha badnaa ee quruxda lahaan jiray Hablihii qaladaadka ka biqi jiray kana qaafilsanaa Hablo qaawan baa beddelay iyaga qarniga maante Qalqaloocani waa tilmaamaha weyn ee qiyaamahe Qaadirow soo hannuuni qalanjooyinkan is qaawiyey = Aammiin Allahayow Waxaan ugu baaqayaa culimada sharafta leh inay ka hadlaan fasaadka iyo fitanka soo kordhaya maalinba maalin kadib, sidoo kale qorayaasha Soomaaliyeed iyo idayl cid kasta oo damiir iyo damqasho leh waa inay munkarkan suuliyaan, gacan, af iyo qalbi kay karayaan. Ninkii isagoo intaas awoodda midna falin waa dayuus. Waxaan rabaa inaan ugu caqli celiyo hablaheenna wanaagsan ee qalanjooyinka ah tixdan oon curiyey. Xijaabku ma ceeb baa? In la xidho ma dambi baa? Qaawanaantu ma xaragaa? Ma xadaarad cusub baa? Eebbe muxuu xukumay? Xubnihiina cowrada qarsada Xaqqu sidaas miyuu ahayn? Hablayahow xishooda oo Xijaabka Eebbaa xukumee Xukunkiisana caddeeyaye Xidha oo cawraadkiina Xaliimayaalow astura Abwaan iyo Qoraa: Maxamed Cabdicasiis Bootaan oo xubin ka ah naadiga qoraalka ee Qalinmaal ayaa sidoo kale la yaabbay dhaqan xumooyin kan hablaha qaar sebenkani sameenayaan, kadib abwaanku wuxuu ugu caqli celinayaa inay ooggadooda ay asturaan oo dhalanteedka khiyaaliga been moodin. Wuxuuna yidhi: Bilowgii adduunyada markaan agab lasoo saarin Aqal iyo markii aanu jirin aalad iyo weelal Adeegsiga dhagxaantiyo markii dhiro la aanaystay Ee aan ascaar laba aqoon shayyo kala iibsi Inkastoo nafluhu wada ahaa sida ugaadhaadka Maydhax laysku awdiyo dhirtay agabsanaayeene Aragxumida feedha dharkoo laga abraaraayo Asturnaan la diidiyo hablahan unugyadii muujin Ashqaraar ka qaadnoo waxani waa ibtilo wayne Ilwaad malaha ruuxii ka tegay edeb xishoodkiiye Agabkiina qaataay oo maryaha oogadana saara!! Gunaanadkii iyo gebagebada, waxaan markale ku baaqayaa in wacyigelin guud iyo mid gaara la sameeyo, hoos iyo kor hablahaas loola hadlo, in lays ku dayo in dib loo daraasadeeyo dhaqankii iyo hiddaheennii wanaagsanaa, ilaa xad ayaan dareemayaa ciil iyo caloolyow kadib hablahan kolkaan arkay dhaqankooda. Dhallinta waxaan baaq ahaan uga tagayaa in Sh. Maxamed Cabdi Umal oo muxaadaraad ka galay akhlaaqda iyo xishoodka labadaba oo toddoba fadhiya ay dhegaystaan. Wabillaahi Towfiiq.

Comments

Popular Posts