SHEEKO: ISBADELDOON W/Q: MAHAMED RASHIID

Sheeko : Isbedel-doon Waxa uu ahaa wiil dhalinyara oo dadaal badan Salaadi ma dhaafi jirin, Wakhigiisana waligii ma dayacin waxaa uu mar walba ku dadaali jiray Waxbarashadiisa iyo sidii uu u gaadhi lahaa heer jaamacadeed una noqon lahaa qof cilmi leh oo dadka anfaca , reerkoodu wuxuu iska ahaa Reer danyara, wax hantiya waxay ku dhaadan jireen Guri yar oo laba Maqsina oo Magaalada koornaheeda ku yaal iyo Dukaan yaroo Jeeble ah oo xaafada ku horyaal,galinka danbe marka uu cali yare ka soo baxo bareefadka ayuu hayn jiray tukaanka yar halkaasi oo uu kasoo saari jiray qayb nolol maalmeedka ka mida, gaar ahaan waxa uu ku dadaali jiray inuu kasoo saaro dukaanka yar Dirayska Ciyaalka iyo Bisha Iskuulka, Dukaanka yar ka sokow Cali Aabihii wuxuu caano Maalaa xoogiisa,badanka wuxuu ku shaqeeyaa inyaroo xirfada oo uu barigii Ololihii qarjajac ku bartay waxaanu Reerka ka hayaa kaalin adag oo lagama Maarmaana, in kastoo uu yahay da’a xanuunana yara jilciyeen hadana wuu shaqeeyaa oo Maalin kali ah ma Nasto balse wuxuu ku hami wayn yahay in Inankiisa Cali yare uu ku nasan doono oo uu ka shaqayn doono hawsha Reerkooda sifiicana u ga soo bixi doono kaalintaas. Cali waa wiilka ugu wayn waxaanu sanadkan ka baxayaa dugsigii sare oo wuxuu Dugsigii dhexe ka baxay Saddex sano ka hor, waxaanu ka mid ahaa dhawrka Arday ee Galaaskooda ugu xariifsanaa uguna dadaal badnaa , dhawr jaaisadood ayuu qaatay wakhtigii uu dhiganayay Dugsigii Dhexe iyo kii Hooseba, waxa uu xiisayn jiray Maadada Xisaabta oo uu aad u jeclaa. Had iyo jeer marka uu Macalinku su’aaal waydiiyo Ardayda sida il-bidhiqsiga ayuu uga dhex boodi jiray si degdegana u furfuri jiray Masalooyinka Xisaabta ah ee ay hadi iyo goor ardaydu ka cawdaan ee ku dawakhaan , Iskuulka ka sokow wuxuu dhigan jiray Bareefad uu xisaabta ka dhigan jiray iyo mid uu luuqada English-ka ka dhigan jiray, Habeenkii halka ay dhalinyarta qayrkiisa ahi ka tagi jireen meelaha lagu caweeyo ee ay Dumarka iyo Ragu is dhex yaacayaan iyo Fagaarayaasha lagu kulmo , isagu Ficilada noocaasa kama ag dhawaaan jirin, balse dhawr wiil oo aad u dhawrsoon ayay Masaajidka kitaabka Buluuqul-Maraamka kasoo wada marsan jireen, Waxaanay Dhalinyartan Fusuqa iyo Fasahaadka ku caanbaxay ku xaman jireen inuu yahay SUUFI balse Dhaleecaynta caynkaas ah dhag uma dhigi jirin , DHalinyartani Dhawr jeer ayay ka dalbadeen Cali yare kooxdoodan DHAWGA la yidhaa inuu ku soo biiro oo uu waliba Ciyaaraha meelaha dhexe ka ciyaaro wuuse ka diiday in badan arinkaas Daciifkaa, waxay u sheegeen in hadii uu kusoo biiro ciyaaryahanadan uu si dhib yar u noqon doono Wiil Ilbaxnimo badan oo sificiin ula jaan qaadi kara caalamka , Waxaanay u raaciyeen Reer Miyinimada(Badawnimada) iska daa niyaw sawdiga Magaalo ku dhashay ee intaa kusoo leekaaday maaha waa ku side saaxiib?, kaalay wakhtiga la Jaanqaad hadii kale waxaad la kulmi doontaa dib udhac iyo madaw madaw badan. Waa maxay dhaqankan xunee aad sidataa? Waar niyaw aduunyadu hore ayay u socotaaye maxaa dib kuu celinaya? Oo dhaqan Gaboobay oo dadkii lahaa dhinteen aad dib ugu laabanaysaa? ,Waar kaalay Nacasyahaw aduunyada la jaan qaad oo horumar iyo ilbaxnimo samee Dharkan xun iyo Dhaqankan xuna iska badal Cajiiiiiib..Cajiiib waxay tuseen Humaag yaroo Dhalanteeda. Dhalinyartani waa qaar wakhtiyo hore la geeyay, Iyo qaar ku dhashay Dhulalkaasi Yurubta, America iyo Imaaraadka Carabta Balse markii ay ku maqnaayeen in mudo ah ku dhex wareeray Caalamkaas iyagoo dhibta ugu waynee haleeshay ay ahayd in ay ka tageen Diintoodii iyo Dhaqankoodii una horseeday inay garanwaayaan Yoolkooda, kadibna lagusoo muday waxyaabo Drugs ah oo uu ka lumiyay Hamigii iyo dadaalkii saaxiibna ka dhigtay Badwaynta Balwadaha ee aan dhamaan . waxaa loo tilmamay Daruuro aan jirin, Ilbaxnimo samee intii ay islahaayeen ayay jar ka dhaceen waxaanay laaceen Laamo Foorara oo Laagna ka hoosayso. Marka aad isha ku dhufato waxaad la yaabaysaa Qaab dhismeedkooda, hadii ay na dhegayso ku yidhaahdaan waxaad moodaa Loox meel lagu tiiriyay, Humaag ahaan way ina matalaan,Waxaad moodaa inay Caafimaad qabaan balse arinku sidaa ka Qoto dheer !!!! In muddo ahba saaxiibadani waxay ku daaleen Helida Musbaarkii juxe, Markan waxay ka heleen isaga oo lagu tuuray Ceel Qudhun Badan oo loo yaqaan “ Ilbaxnimo”, Ceel lagu Guro, Qashinka, Eyda dhimatay, iyo waxyaabaha laga fogaynayo Deegaanka, waa yaabe Ma ididiiladooda ayaa dhigaysa In qashinka Umada La quudiyo, mise waxay saaxiibadani Hilmaameen in qashinka Xanuuno badan laga qaado, sawkuwa Iskuulada Orobba ku dhigtay in ka hortagu ka fiicanyahay Dawaynta” Cali yare waa kan waxuu dhago adaygaba aqbalay codsigii ay u soo gudbiyeen nimankii u gacan haadiyay iyagoo ku Harawsaday erayga ilbaxnimo iyo ilbaxnimada la jaanqaad oo is badal samee waxay ku rideen ceelkaas qudhunka badan …… Cajiib. Maalmihii hore Cali yare waa uu ku dhex dawakhay qaabka ay wax uwadaan, iyo sida ay hawshu u socoto waxaanu ahaa Maqane jooga, waxuu indhaha kala socday hawluhu siday u socdaan, Intaanay dhawr wiik(Todobaad) ka soo wareeginba Intii u ceelka qudhunka badan ku dhex jiray ayaa waxaa dhacday in ay Cali yare is laayeen mid xunoo Xerta ka mida oo Gabadh Qash-qashaadayay kadib waa kuwii Saaxibadaadii kugu qayliyay ee kugu yidhi: Niyaw maanad Ilbaxaynba?,badawsanidaa!!!, Cali yare Fikradii waxay ugu dhex baahday sidii Daaq(Doog) qalalan oo dab qabsaday waxuu ilbaxnimada u qaatay Dheeman oo kale in mudo ahna baadi goobayay *Ilbaxnimada* Baryahan danbe Waxaa kugu badatay Sheekada ‘Civilization’, haa Civilization mar walba waadiga ku hadaaqa, Cali yare wuxuu ilbaxnimada ka raadiyay dhaqanka reer galbeed ee wada fusuqa, wuu u jeedaa in dhinaca Teknoolajiga ay ka gaadheen Mudnaan iyo Meel Cajiib ah, balse waxa Indhihiisu u jeedaan in dhinaca Akhlaaqiyaadka ay Mutaysteen Xaqiirnimo halkii ugu dambaysay uguna liidatay. wuxuu is ilawsiiyay waxyaabihii Kaabiga u ahaa fikradiisii hore ee ahaa in Ilbaxnimada iyo Horumar kasta oo ay reer galbeedku gaadheen ay ka baadheen Diinta Islaamka, Saynisyahanadu caalamka kuwooda ugu waawayna ay qireen in wax walba oo ay hindiseen uu Diinta islaamka hore ugu xariiqnaa,Wuu iska dhaqaaqay isaga oo dhabarka ka tuuray xasuusihiisii Qaaliga ahaa ee uu ka akhriyi jiray Buugta wuu sii xasuusanyahay xusuusihii ugu dambeeyay ee uu ka akhriyay Buugii ka sheekaynayay Ilbaxnimadii Islaamka ee Isbayn, iyo in Boqorada Yurub Dhalintooda u soo diri jireen dhulka islaamka, iyaga oo ku soo lifaaqaya Codsi ah in Waxbarasho bilaash ah oo loo hayo, Mar mar dareen ayaa yara canaananaya oo wuxuu is leeyahay sawdigii xataa Muxaadarooyin badan ka dhegaystay ilaa maantana ay muuqato Ilbaxnimadii islaamku ka bineeyay dhulkaa Yurub iyo Caalamka oo dhanba , Wuu ilaabay ama wuu is ilawsiiyay Si kama ah dhaqankisii isaga laftiisu hadda waxa uu u arkaa waxyaabo Beri hore jiri jiray , wuxuu qaatay dhaqankii saaxiibadii ay ugu tilmaameen Ilbaxnimada iyagoo u sawiray in hadii uu doonayo horumar uu u baahan yahay in aanu u baahnayn inuu dib u jaleeco waqtiyadaa laga yimid .Iyo wakhtigii Rasuulkeenii suubanaa CSW waxaanay u raaciyeen niyaw fulaydnimada iska daa…….. Cajiiiiiiib,, Bal ka waran hadii Cumar binu khadaab la soo nooleeyo Dunidan imika wuu ku dawikhi lahaa runtii !!! jidhka marka uu is geliyo Cali ee waayo uu yidhaa waxay ugu jawaabaan, berigaa Xoog iyo awood ayaa dunida ka shaqayn jirtay oo waxaa lagu dagaalami jiray Seefo u baahan Awood, balse imika qofka Dunida ugu fulaysan ayaa Caalamka Dhulka la simi karaya !!! diyaarad !! markab!!!Nukliyeer !! saaxiib ilbaxnimadu xadhkihii ayay Goysay !! In mudo markii aad xertan ka mid ahayd waadigii Waxbarashadaadii kolba inyar soo jarayay, waxaad markii hore bilawday inaad iska dayso Sheekhii aad habeenkii ka baran jirtay Kitaabka Buluuqul –Maraamka iyo Salaadii oo aad maalina Tukato maalina is ka dhaafto….. Cajiiiib, waxaad ku badashay halkii Sheekha Sheeko Baralayda Dhalinyarada Halawsan sida Heblaayo Maad taqaan? waaa Subag,.. Taa saw ma aragtid waa Al-qacida ha u dhawaan hadii kale way isku kaa Qarxin,Tan ka waran? Waa dookhayga, Sigaarkii maad haysaa? Haafkaa iisoo gaabi, sidii aad Meelahaa kaabadaha u fadhiday waadigii wax walba Seegay sida iskuulkii oo aad baryahan maalina Tagto maalina iska dayso. Odaygii ku dhalay wuu ka yaabay baryahan qaabkan Qalafsan ee aad u dhaqanto,Tukaankii ayaad iska daysay xisaabtii aad xiliyada danbe ka shaqayn jirtay goor kuugu danbaysay mooyaan, Salaadii ma tukatid, Awal habeenkii hore ayaad u seexan jirtay sida Digaaga aroortiina waxaad toosi jirtay Salaada Subax sida Diigu Aroortii dadka u toosiyo ayaad adna u toosin jirtay Xaafada Salaada Subax dibna ugumaad noqon jirin hurdada, kadibna Dugsiga ayaad u diyaar garoobi jirtay,Habeenadan danbese Xaalkaagu wuu is badalay cid walba way ku ogtahay inaad hawo gadis samaysan Waanay kaa muuqataa inaad Isbedal-doon tahay qof walbaana wuu dareen san yahay taasi Alaw ha na doorin!!!!, Aroor dhawayd adoo hurdadu kugu yarayd oo aad Afartii habeenimo soo seexatay ayuu Aabo ku toosiyay oo uu kugu yidhi aabo xiligan aad hurudaa waa maxay maanad Iskuulkii tagayn anuu baryahan xaalkaaga garan maayee inamari saaka waan kuu Raacayaa Iskuulkee malaha Maba tagtide halkan dhexdaad ka soo noqotaaye , Ma anagaad iskuulka noo raacaysaa maanad arkayn gadhkayaga, “Eeyaahee orodoo Buuqa Nagala tag,” Allaw hana doorin!!!!, Aabo dib ayuu kaaga Maagay waxaanu ka yaabay sidaad ugu jawaabtay ee Akhlaaq Daradaa, ka dib markii aad Qureecatay ee aad u diyaar garawday Iskuulka inta uu kaasoo daba dhaqaaqay ayuu kaa daba Shaqeeyay Markaad agmarayso halkii ay Kuraasta Cad-cad taalay ee ardaydu ka Nususaacayn jirtay waadigii ku yidhi Ninkii Tukaanka lahaa “Aar bal keen xabad Marlboro ah sigaarka cad ee dhalinyarada”, Waadigii adoon tukaankiba ka soo bixin shitay Midhii Sigaarka ahayd ee aad Indhaha ku kala qaadi jirtay Aroortii isla markii aad Fadhiisatay, Adoo kursigii cadaa isku kala bixinaya aaaaaahaaah …..waakii Aabo meel yaro gaaban kaga soo booday ma Tuurtaa sigaarka ma cabtaa ma……?ma…….?ma…….? waxaad xasuusatay wiilkii aad saaxiibada ahaydeen ee maalinkii dhawayd ku laha aniga ma Fulay baad I moodaysaa anuu aabahay kama qarsado sigaarka ee hortiisa ayaan ku cabaa isagaaba ii qaada jaadka iyo sigaarkaba ……. Waad iska sii cabtay sigaarkii Alaw ha na doorin!!!!!! Aabo oo u qaadan la waxa uu indhahiisa ku arkay waxa uu kuu Dhaafay iskuulka Adna gacanta kusoo qabtay Una tagay Maamulihii Dugsiga, Salaam kadib waxaan rabaa Wiilkan inaad iiga waranto Waxbarashadiisa Maamulihii Dugisga oo Wajigaaga garanaya sifiicana u ogsoon isbadalada aad lasoo baxday , Dibjirnimadaadana la socda waa kii intuu aad kuu soo eegay hadana eegay Awliyada ku dhashay kadib inta uu Miiskiisa khaanadiisa soo jiiday ayuu kasoo saaray Buugii Xaadiriska ee Galaska 4A, Inta uu aad kuusoo eegay ayuu Maamulihii ku dhawaaqay Magacaaga? , Haa…….Cali Cumar odowaa Saw inankaagan Maaha ? Inta uu cabaar aamusay maamulihii ayuu yidi war maleh, war maleh ayan ku idhi !!!!!! Aabo ilayn waa nin wayn oo nin wayna wadkii wuu yaqaane gartay inaanay arimuhu sax ahayn kuna yidhi maamulihii Adeer Maxaa dhacay? , waa side wiilkaygu ?maxaa jira adeer ? Yaaa?. Wiilkani waa wiil dibjira, Viras ayaa adeer sida Kambiyuutarada u galay, Adeer shaqo badan ayuu u baahanyahay, in dib loo Agloolo, intii uu Iskuulka ku dhex jiro dhawr jeer ayaan ku fikiray inaan eryo oo iskuulka ka madnuuco laakiin waxaan ku Qadariyay Sharaftiisii hore iyo Sidii wanaagsanayd ee uu Iskuulka Magaciisa kor ugu qaaday naftiisa uga adkaaday balse hada war malahe !!!, adeer ilaahay u bari in viruskan dawo loo helo !! Wuxuu sameeyay maalin dhawayd hadaan kuu waramo Runtii waad la fajacaysaa, Macalinkooda Physics-ka ayaa waydiiyay what is the physical changes? Ka dib wuxuu ku jawaabay, It is the civilization of the students and culture changes. waxa ay ka ahayd Dheel dheel iyo Ruwaayad waanu ku adkaysanayay jawaabta uu bixiyay inay tahay jawaabta ugu saxsan, ilayn waa wiil Isbadal doon ahe. waxa uu macalinkii ku yidhi orod oo Xiisadayda iiga bax si bilaa ixtiraama ayuu wiilkaagu ugu jawaabay: Ma meeshanaad Aniga iga bixinaysaa waar meeshani waa Maqaaxi Maqaaxiyuhuna Magaalada way ka buuxaane sifiican u Shido,Macalinkiina wuu ku Xanaaqay, is Af-dhaaf ka dib waxay gaadhay inuu Macalinkii la Dagaalamo Nasiib wanaag Anigoo Lacagtii Bisha Uruurinaya ayaan arkay Macalinkii iyo ardaygii oo is haysta waanan Kala qabtay labadoodiiba waan soo saaray mise waa Cali yare oo aan akhlaaqdiisa Aqaanay waxaa igu dhacay u qaadan waa waxaan ogaa Cali yare inuu yahay Dhawrka arday ee aan iskuulka ka tirsado ee aan ku xisaabtamo kuna kalsoonahay waxbarashadooda , Maalmahana wuxuu la soo baxay inuu maalina yimaado maalina iska daayo, xiligii doono ayuu yimadaa subaxii…… Markaa Wiilkaagii wakaa balse waxaan ugu ducaynaynaa inuu ilahay kaso weeciyo dhaqankan xun ee uu laso baxay iyo isbadaladaas Waxuushinimadaa . Aabo oo yaaban oo fajacsan oo Dhidid buurbuuran kasoo booday kana yaaban akhlaaq xumada intaa leeg eee aad baryahan lasoo baxday waa uu ku kaxeeyay oo ku waraystay balse waxa Jawaab ah oo qancisa wuu kaa waayay ka sokow Hadalka qalafsan, Dhinacyadan aad baryahan Xiirato, Surwaalkan kaa dhacaya ,Dhaqankan reer yurub ee aad qaadatay waxaa kale oo uu indhahiisa ku arkay Midha Sigaarkaa ee aad Mataanawdeen, Wuu ku waaniyay in badan balse adigu Dhagna waad ka Maqashay Dhagna waad ka sii daysay wax ahmiyadana maad siin . Jimcihii dhawaa Adigoo fadhiya Kaabadi yarayd ee Dhalinyaradu iskugu iman jirtay waadigii ka waayay Saaxibadaa laba mooyaane kadib woxogaa markii aad fadhiday waxa idiin yimid Farah Seanpaul Wuxuu kuu sheegay in uu caawa jaad kasoo kacay waxanu kaaga sheekaynayay habeenkii oo dhan inuu caawa Mirqaan hawada marayo oo uu tagay maqaaxi yaroo suuqa ku taal , waxuu kaaga sheekeeyay Mirqaanka iyo waxa kujira waxa uu kuu sheegay inuu Maankaagu is badalayo oo aad Xidigaha tirinayso hada Xidigaha ,Habeenkii oo dhana aanad seexanayn ee aad dhisayso fooqyo dhaadheer oo bilaa tayo ah oo subaxa dumaya , Waxa uu habeenkii oo dhan kaaga sheekeynayay “Dunida kale” aduunyada mirqaanka sida ninkii somaliyed ee yidhi “Mirqaanku waa Naf meel ay ka baxdo wayday” .waxaa kugu dhashay xiiso badan, Seanpaul waa kii ku yidhi aduu sheediida (Khamiista) isoo mar anaa kuu qaadiye misna adoo ku faraxsan ayaad aqbashay codsigii saaxiibkaa ilayn Hada waxaad noqotay wiil dhan walba loo duufsan karo kolbana dhinac loo badalo, oo waxaad tahay Isbedal-doone, Calaa kayfak dimuqraadiyad, ilbaxnimo, ilayn duniba war umaan hayn, Geesi dheh !! Khamiisti ayaa kugu dheeraatay Awal todobaadku ma sidan uun bu udheeraa? yaad is waydiisay haa sidan uun buu aha laakin adiga xiiso gaar ah ayaa ku haya, Markaa khamiistan soo socotaa waa mid kuu gaar ah adiga. Markii la gaadhay khamiistii waxaad duubateen dhawr Mijood oo qaada waxaanad tagteen maqaaxi yaroo ku taal Faras Magaalaha. Aaaaaah Koobabkii iyo Falasad Shaahoo Bigays-cadays ah keen, Jeeg biyaana keen, Macaanaa Qaadku,Maanta qaali buu yara ahaa laakiin wuu u qalmaa intaa iyo in kabadanba, wax laga Tuuraba malaha, waxaa laguu sawiray humaag iyo Nolol khayaali ah kolba sheeko ayaa laguu saaray waxaad ka sheekaysay arimo badan, Mudo kadib waxaad gaadhay heerka lagu tilmaamo mirqaanka Alaw ha na doorin!!!waxaad gaadhay fikiro badan ma Tahriibtaa? Mayee ……maye…ma?. Su’aalo caynkaasa ayaa maalinkii oo dhan kugu wareegayay misna wax Jawaaboo sugan umaad helin habeenimadii Laamayda ayaad kolba dhinac u raacday ilaa ay gaadhay Sadexdii habeenimo waa kan yaaban Aabahaa tolow maa la dilay? Mise wuu sixran yahay? Adna kaama qasna kolba haaf sigaara ayaad saaxiibkaa ka sugaysaa caawa, Taa maku baxnaa way Nuuraysaabee ? Mayee tan ka waran ? Taa yaree canbahaa eeg!! Anuu markaan Mirqaamo Hablaha aad baan u jecelahay, waxaad ka sheekaynayseen Sheeko khayaali ah iyo dhalanteed. Waxaad sidii ahaataba mudo kadib waxaad noqotay laaacib wayn waxaanad saaxibadaa ku yidhaahdaan Ehlu–Mirqaan baad tahay Mirqaaankaaga iyo Sheekadaada waan ka helaa Waadigan iyagii ku baray ka badsaday ilayn “Laga Barayba laga Badiye” hada uma kala saartid khamiis iyo khamiis la’aanteed, Ehlu mirqaan ayaan ahay HAA Ehlu-mirqaan baan ahay ayaad baryahan danbe iskugu sheekaysaa,Xaafada imika Habeena waad tagtaa Habeena waad iska daysaa, dhawr Aroorood adoo xili danbe soo seexday ayuu Aabo kuu toosiyay Iskuulka waar orod Iskuulka tag aroortii hore waad toostay laakiin maalinkii danbe waadigii diiday inaad Iskuulka tagto ee aad iska sii huruday Hooyana waatii ku tidhi hooyo Cali orod toos dee, “Eee oradoo shaqayso anaga camal hanaga dhigane”waadigii ku Xanaaqay ilayn Qaadiraad tahee kadib iskuulkii isaga hada waad goysay inkastood sanadkan u fadhiisanaysay Imtixaankii Dugsiga sare, laakiin iskuul maxaad ku fashaa adaaba imika Macalin wayn noqdee, HAA hada “Adigaa Macalin ah saw maaha?” Ayaad hoos ahaan naftaada u waydiisay waxaanad iskugu jawaabtay HAA Dabcan. Ciidankii markii hore ku kusoo tobabaray adaa ka dheereeyay sidaas ay tahay hada wax xiisaa uma haysid waxaad la qabsatay ciidan kale oo PHD diyaariyay adna aad hoos imanayso laakiin waxaad isku qancinaysaa kolay kuwana “Anuunbaa macalin u noqon doona”, Waxaad raacday mid aad saaxiibo tihiin oo dhawr jeer dibadaha laga soo Mastaafuriyay waxaad tagteen Guri yar oo ilayn kaaa Qarsoonaa oo ah meel Dumarka iyo Ragu is dhex fadhiyaan Saacado ka dib waxaad ogaatay in meesha “Beerta” lagu naanayso, oo ay ka biqisho Asalo qofka cunaa ku Balaaloonayo, waa laguu yaabaa, Eegmada gidaaradeeda,Gudaheeda intaba, naftu kuma raaxaysanayso waad arkaysaa waxas oo dhan balse waxaad ahayd isbedal-doon markaa ilbaxnimada inaad hor istaagto miyay tahay?Waa maya , Kadib maalinkii hore waad yara yaabanayd oo waxaad is waydiinaysay Niyaw Nimcadan maxaa kaa qarinayay, Saaxiib maantuun baad ina keentay meelihii Mirqaanka loogu talo galay,Alaw ha na doorin !! Halkaa dhankan bidix waxaa fadhida Gabadh quruxdeedii iyo Dheeheedii duulay laakiin aad garanayso inay qurux u dhalatay, adiga balwadaha waad ku yara cusub tahay sidaas ay tahay Dhabankaagii wali wuu yara taagan yahay oo aad umaad guban, Gabadhii dhinaca kugu haysay intay aad kuusoo eegtay aya kugu tidhi walaal Magacaa?, Adna ado ku faraxsan sheekadan idiin furantay waadigii magacaaga si dagdaga ugu sheegay Cali yare haa cali yare ayaa la I yidhaa saaxiibadayna waxay iigu yeedhaan Cali Jackson. Adna ii sheeg? Anigana ardo ayay ku tidhi, Inan shaaricaas dhinaca kugu saarta waligaa maad arag waydinkan is dhex galay ee aad in mudo ah sheekaysateen, Habeenimadii waxaa la keenay Sharaab aanad hore u arag waad yara diidanayd laakiin waa lagugu Qasbay waxaana lagu yidhi waa “Iskiriin nin wayne caba” waa la kala boobay quraradihii adna waadiga Is yidhi waxan la kala boobayo yaan lagaa dhamayn “dameeri dhaan raacday” ayaad noqotay Hadiiba ay quraradani ilbaxnimada kaa hor joogsanayso waa inad dhaadhicisaa ayaad hoos ahaan iskula faqday . Hayaaaaaaaaaaaaay Quruurad dhan ayaad dhadhicisay habeenkaas xiliyadii danbe waxaad xaafadii tagtay adoo qayl-qaylinaya oo dhacdhacaya sidii dameer Miisaan ka culus la saaray ayaad ciirciiraysay waxaana kugu adkaa socodka . Fajac iyo Amakaag iyo dhabana hays ayaa kasoo hadhay aabo waxaanu garan waayay wax uu ku yidhaa balse waxuu ku fikiray in uu ku xidho bari marka ayay Cadeedu soob baxdo, waxaa lagu xidhay sadex maalmood. Lagugu qoray waalid Caasi iyo Isbadal-doon ,in badan ayuu Aabo kula dardaarmay laakiin waxaad u qaadatay inuu wax kuu diidan yahay waxaanad ka sii qaaday Macangagnimo iyo Niyad xumo. Labadii cisho ee aad xidhnayd Jeelka waxaad ku wada xidhnaydeen mid adoo kale ah oo isna Habaar qabe ah oo Aabihii soo xidhay kadib waad Sheekaysateen waxaanad Ku tidhi walaal Magacaa wuxuu ku yidhi Askar,Anigana Cali yare Naanaystayduna waa Jackson waxaanad ku tidhi, Maxaa lagugu soo xidhay?, Askar wuxuu yidhi anoo habeen dhawayd aad u mirqaansan cirka maraya ayuunbay naag qurux badan isoo hor martay, kadibna waxaan ku idhi Makusii dhaweeyaa Gabadhaay? , Haa walaal haday sii dhawayn uun tahay waad isii dhawayn kartaa waxaad tahay wiil walaalkay oo kale ah . kadib markii aan raacay ee aan in mudo ah la socday ayuunbay tidhi Walaal waad mahad san tahee Oradoo iska noqo , Gurigii waan soo gaadhee kadib Ana intaan is kala Garan waayay Xanaaq ayuun baan labada Foolee hore Hor dhigay, “hada wax kale kuma garatide labada fool” kkkkkkkkkkkk……… hahahahahah qosol ayaad isku jiibiseen adna maxaa lagugu soo xidhay? ayuu ku yidhi askar . Adna waadigan ka sheekeyay xaalkii Quruuradii iyo meeshii baasee aaad khamiistan dhawayd tagtay.kadibna waadigan ku yidhi ,Askar niyaw meeshan nolol ma taalo, Dadkani waxaabay doonayaan inay xoriyada kaa qaadaan oo ku Xisaabiyaan. Haa waa runtaa ayuu ku yidhi isagoo hadalkaaga kugu raacsan,Dawladanimo iyo Cadaalad midna ma yaalaane meesha ma ka shaqo tagnaa, waxaanu kuu raaciyay niyaw Jackson maxaan samaynaa, Ma iska tahriibnaa Odayaashii xumaa ee dawlad ku sheeguna xaqii Umadan masaakiintaa ayuunbay ku tumanayaane kolay tahriib wax inoo dhaama anuu garan Mayo!!, Adigoo ka sugayay hadal caynkaasaa ayaa u riyaaqay warkaa saaxiibkaa ,waxaad u raacisay dadkani waxaabay doonayaan inay Xoriyada kaa qaadaan waar Wadanul xoriya ayaan tagaynaa. Waxaanad ku heshiiseen inaad marka la idinka sii daayo xabsiga Shan cisho kadib ka Baxdaan wadanka oo aad u tahriibtaan dhulalkaasi yurub. Markii la idin sii daayay ee aad dhawr Cisho Magaalada sii joogteen ayaad ku fikirtay halkii aad Lacag ka keeni lahayd, waxaad Maskaxda ka shaqaysiisay in badan waxaad go;aan ku gaadhay in marka aad caawa Tukaanka Seexato aad lacagta yaree taala ee Aabo uu safarka ku doonayo aad qaadato,,,,,,,, HAA lacagtaa yar ee tukaanka loogu safrayo ayaan qaadanayaa ayaad iskula faqday Alaw hana doorin !! HAA sidaasaa arina ayaad tidhi habenimadii ay balantu ku eekayd markii aad seexatay Tukaanka inaad lacagta yar qaadataa dhib kugumay qaadan lix boqol oo Aw-bidaara oo qasnada ku jiray ayaad ka saaratay xiliyadii danbe, Shaadh iyo Surwaal dheeraaada ayaad qaadatay Tukaankiina intaad Qufushay ayaad ka tagtay.. Waxaad tagtay Goobtii aad ku balanteen saaxiibkaa oo sii taagnaa in mudo ah, Gaadhigii ugu horeeyay ayaad ku Boodeen Wuxuu idin dhigay Magalada Wajaale kadib waxaad tagteen qarka Shishe ee magaalada wajale halkaasi oo aad ka raacdeen gaadhi tagayay Jigjiga, jigigana waxaad kasii raacdeen gaadhi hoos ahaan (sharci daro) u baxayay oo tagayay Caasimada wadanka Suudaan. Intii aad jidka ku sii jirteen waxaad arkaysay Caleentii aad jeclayd ee saaxiibka ahaydeen oo meel kasta ka buuxda, waanad ka Hagar baxday Bahalku mirqaan wanaaagsanaa YAA!! kani waaba kii raga loogu talo galay, wado kasta oo aad maraysaan waa laydin Baadhayaa , waxaana la idin waydiinayaa sharcigiinii balse adiga waxaa lagugu dhaafiyay inaad tahay Wiil xanuunsanaya oo dhakhtar loo gaynayo Sobobo Caafimaad darted warqad yaroo Foljari ah ayaad sidataa.. Waxaad kolba meel istaagtan markii danbe waxaad gaadheen Xadkii Suudaan, waa la idin istaajiyay, waa la idin baadhay aduu hore ayaad uga fikirtay lacagta in lagaa qaado oo waxaad ogayd dhibaatada kala haysata tahriibayaasha iyo ciidamada xuduudaha, sidaa darted waxaad ku riday sharabaadada hoostooda, Balse waxaa si toosa kuugu Muuqday dadkii aad wada socoteen oo laga qaaday sahaydoodii, dharkoogii , Oo aan far dhaqaajin karin waxna aa samayn karin. Laba cisho ayaad sudaan iskaga noolaydeen waxaad seexanayseen gidaarada soboobtoo ah lacag badan ma haysataan sidaa darted waa in afka la Boodhaysto oo halkii la gaadhaba la istuuro!! Dhawrkii cisho ee aad joogteen sudaan cidina idinkama dhex garanayn sobobtoo ah aduu waxaad u yara eekayd suudaani markaaga horeba, Luuqada carbeed intii yarayd ee aad iskuulka ka dhigan jirtay waad yara xasuusan tahay, Markaa dadka waad la sheekaysanaysaa waxna waad ka dalban kartaa Hoteelada, laakiin Dhibtuba waxay ka taagan tahay saaxiibkagan dhakuukahaa ee aan luuqadna isagu Garanayn. Laba maalmood kadib waxaad hesheen gaadhi yaroo jajaban oo muuqdaran oo sharci daro u baxaya una balansan dad tahriibayaal ah kadib, halkii ayaad ka shiraacateen waxaad sii marten saxarihii dheeraa ee afrika waa saxare arimihiisa inbadan waad taqaan, Barigii iskuulka laguugu dhigi jiray Desert maad aaminsanayn laakiin hada waad aragtaa dhibaatada meesha taal kulaylka, Ciidaxumee cawlan , Dhulka aan xabad geed ahi ka taagnayn Xayawaan iyo Dadna aanu ka muuqan. Dhawrkii cisho ee hore waad yara adkaysateen, Balse hada sahaydiii ayaa idinka go’day idinkii baa iska dhex bilaabay, sheekadu waxay gaadhay xoog-xoog, horta dumarkii iyo ninkii jilicsanba iyaga markiiba waa laga faro maroojiyay wixii yaraa ee ay jeebka ku hayeen , Balse maalmihii danbe ninkii xoog wayn leh ayuunbaa Noolaanaya Ayay taladu noqotay , Waad is wada layseen “Ninkii roon ayuun baa reerka u hadhi” dadka qaarkii waxay biyo ka dayayaan kaadidooda . Waxay la kulmeen dadkani intii ay jidka ku jireen dhibaato iyo silic ay Awal afkuun ka maqli jireen adigu waxaad marwalba xasuusan jiray intii aad jidka ku jiteen Jidkii Siraad ee sheekhii kitaabka ka aad dhigan jirtay barigii aad fayoobayd uu ka sheekayn jiray . Waxaad ogaatay nolol aanad waxba ka aqoon oo kaa dhinayd Silic iyo Saxariir ayaad ku gaadheen xuduudka Libya laydinkuna baadhay meel Xuduuda Libya u dhow oo ay fadhiyeen ciidamo dadka dhaca,Booba oo waxa yaree ay haystaan ka qaada, kadib gacantaa laydin mariyay, Waxaa gaadhiga laga dajiyay Gabadh aad u qurux badnayd oo aad isha aad ugu xadaysay naftaaduna aad ug heshay kadib ado arkaya ayaa hortaada lagu kufsaday idinkana waxaa la idin yidhi Ordoo dhaqaaqa Cajiiiib, waxaa kale oo aad arkaysay nin idin la socday oo intuu diiday in la baadho xabad laabta loo galiyay, Aabaha laabta wayn ka cun . Waxaad soo jarmaadaanba waxaad gasheen Libya halkaas oo aad joogtay mudo ku dhow labaatan cisho ,lacagtii yarayd ee aad haysatay waa gabaabsi, waxyar oo aan cuntadaada ku filnayn ayaad haysataa dhawr cisho kadibna waabay dhamaatay. Talo ayaa kugu ciirtay waxaad samayso ayaad garan wayday kadib waxaad jeebka kasoo saartay midh Marlboro ah afka ayaanad korka u taagtay waanad yara fikirtay, Kadib waxaad go’aan ku gaadhay inaad xaafadii la hadasho, si ay woxogaa yar kuugu soo diraan waxaanad ku tidhi Runtii dhulku sidii aan moodayay maaha jidadkuna way dhib badan yihiin markaa waxaan doonayaa inaan soo noqdee lacag yar oo aan kusoo noqdo iisoo dira waxaanad u raacisay ilaa Ilaa lix boqol oo Aw-Bidaara . Nimaad dhasay kuma dhalin ayaa la yidhee Aabo ayaa garan waayay wax uu sameeyo , wakhti xun ayaad soo hadashay Tukaankii in mudo ah waxba laguma soo kordhin , Aabo wuu ka calool xun yahay Maqnaanshahaaga In mudo ahna muu shaqo tagin balse aduun buu kaa fikiraa. Lacag haynteed iyada hadalkeedba daa balse Aabo oo Waji Magaalda ku lahaa wuxuu baadi goobay bal inuu helo Woxogaa Amaah ah, Wuuse ka quustay oo sanadkaasi wakhtiga iska xumaa sixir barar xuna ayaa suuqa ka jiray , Hooyadaa oo aad kuu jeclayd ayaa ku tidhi: Inankayga ma doonaysid inaad wax u dirtid ee hadii aad doonayso inaad wax u dirto u Iibi dukaankan yar inaga ilaahay baa ina siin wax aan Masruufnee!!!!!! Talaa faraha ka Haaday! Arinkale oo la sameeyaa ma jirto Hooyo iyo Aabana waxay gaadheen inay isku Afdhaafeen dartaa in mudo ah markii uu murankoodu batay ayuu Aabo aqbalay inuu dukaanka yar Xaraasho. Kadibna wuu iibiyay iibna maahee waxii lagu baayacay hadalba kamuu keenin wuxuu noqday woxogaa yar oo aan waxba kuu qabanayn xaafadiina Seejiyay intii yaraydee Masaariifta ahayd. Lacagtii yarayd waa laguu soo diray waxay gaadhay, Balantii uu idiin qabtay kii xumaa ee maalintii dhawayd looxaanta isku Nab-nabayay ee idinku yidhi waxaan baxayaa sabtida dhaw, ee soo diyaar garooba hadii kale anuu ma cidbaan waayaaba umaduba waa Ilma jar-iskaxoor(tahriibayaal), waxad u diyaar garawden in aaad bilawdaan safarkii, laydinkuna uruuriyay looxaantii yarayd ee maalinkii dhawayd la isku dhadhajinayay aduu waad arkaysaa in ay waxani tahay looxaantii maalinkii dhawayd la isku dhaf-dhafay laakiin wixii Ilbaxnimada kaa hor istaaga oo dhan waa inaad u adkaysataa Alaw ha na doorin…. Kadib markii aad shiracateen ee aad in mudo ah socoteenm ayaa waxay badu bilawday in ay is garaacdo, Oo ay mawjaduhu kacaaan oo dhirbaaxo iskala daalaan, Doontan yari waa mid aad u Ciirciiraysa oo la saaaray tiro dad ah oo aan loogu talo galin, balse cidna laguma Qasbin ee qof waliba isagoo arkaya oo ogol ayuu soo fuulay. In mudo ah markii ay dhex jibaaxayeen Bada dhexdeeda, ayaa mar ay ku dhawaayeen Talyaaniga waxay ciidankii shaqaalaha doontu la soo baxeen Qoryo AK47 waxaana lasoo jeediyay Amar dagdag ah oo qeexaya in si daga-dega looga Dhaadhaco Doonta, waxaana loogu cago jugleeyay in qofkii diida isagoo mayd ah bada lagu tuuri doono. Markaa iyamaa wanaagsan inaad idinku isku tuurtaan idinkoo Nool iyo in laydinka Daadiyo idinkoo mayd ah! Dadku laba yay u qaybsameen koox ku adkaysatay in doonta laga tuuro iyagoo mayda oo dhega adaygay deedna laabta xabad loo galiyay iyo qaar door biday in ay u wanaagsan tahay in ay dabaashaan, balse kuwaasi waxay isku yara hubeen inyaroo Dabaal ah intii dabaalayn karaysay way dabaalatay. Waxaad ku jirtay kooxda danbe ee dabaasha miciinsaday balse maxaad dabaalataa!!! Bada geerkeedii kuuma dhawa umana eeka in aad ku gaadhi karto dabaal, Balse waxaa loo baahan yahay in aad adkaysato ayaad naftaada kula faqday Maxaad adkaysata? Waxaad cadaan u arkaysay markii uu saaxiibkaa isagoon dabaal garanayn isku sii daayay badan misna uu ilaa Gunta biyo kasoo cabay Waad arkaysay laakiin maad badbaadin karayn. Cali yare markuu in mudo ah dabaashay waxuu dareemay Daal badan iyo Cidiyihi oo baxay, kolba Dhagax ayuu jiidhaa balse waxaa qasaba inuu adkaysto si u u gaadho Bada geerkeeda, Wax uu dabaashaba waxa meel aan ka fogayn si kadisa uga soo baxay xayawaan aad u wayn oo aanu hore u arag, Haa hore umuu arag balse waxuu ku qiyaasay inuu ahaa Libaax Badeed, Naf orad bay kugu aamintaaye dhuf-dhacdii ayuu sii kordhiyay waxaanu ka quustay nolosha marba marka ka danbaysa ayuu shaygii kugu soo dhawaanayay Adna xawaaraha dabaasha ayaad sii kordhinaysay, jabkuse waxa uu ahaa waxani muu ahayn wax hadhaya ama laga dheerayn karo, Mar aad nafta nacday oo aad Is dhiibtay ayuu libaax badeedkii kaa qaniinay lugta isagoo dhamaantaa doonaya inuu ku liqo ayaa waxaa ku arkay Qolooyin ciidamada bada ee Talyaaniga ah. Qoladii ciidamada badi way kasoo badbaadiyeen Cali yare libaaxi iyo badii uu ku dhex rafanayay waxaana la geeyay dhakhtar si loo Xanaaneeyo in mudo ah markii uu ku jiray dhakhtarkii ee uu yara caafimaaday lugtiina bogsatay ayuu Habeen Habeenada ka mida damcay inuu dhakhtarka ka baxsado, ilayn hadii kale waxaa lagu soo celin doonaa dadkii uu dhaqankooda Nacayaye! Si kastaba ha ahaatee wuu ka baxsaday waxaanu u baxsaday Ilaa Ingiriiska in mudo ah markii uu joogay, Halkaasi waxa uu bilabay in uu Baadi goobo shaqo. Balse shaqadu banaanada iskama taalee wuu ka daalay Raadisteedii meel walba oo uu tago waxaa la waydinayaa maxaad baratay? iyo maku soo shaqaysay waxan aad baratay?, Shahaadooyin ma sidataa? iyo suaalo kale oo noocaas ah intii danbe cali yare wuu ka niyad jabay kana daalay shaqo raadinteeda. Waxaa uu helay kooxdii uu ka tirsanaa kooxo ay xidhiidh leeyihiin oo iyaguna ku jira ciidankaISBEDAL-DOONKA ee uu wadankii kaga yimid sidaas darted waxaa u fududaaday in uu dhaqanaddiisii hore halkii ka bilaabay, Waxa uu galay nolol Mugdi ah, Markii uu wadanka joogay waxa uu isticmaali jiray Balwado yaryar oo la iskula yaabo, oo laysku caayo balse halkan balwad inaad yeelata waa Daruuri waana wax iska caadiya sida darted wax uu hada isticmaala waxyaabo badan oo Drugs ah sida Xashiishad, Iskiriin nin weyn(Khamri), Baararka oo uu tago qofka ugu danbeeya ee baarka ka baxaa habeenkii waa Cali yare(jackson) badanka sida uu uga dhex Qayl-qaylinaya ayuun buu dhacaa waxaana la hor dhigaa meelahaa Wadada agteeda halkaasi oo uu seexdo aroorta horena ka tooso . Habeen habeenada ka mida isagoo jooga halkii uu iska xaadirin jiray oo aad u faraxsan ayaa waxaa dhacday in la bilaabay Dancing(Qoob ka ciyaar) iyo shuqul Gaaleed kadib isna waaba ciyaarahiisa, Waxaa la daaray Rikoodhkii Sameecadihiina waxaa la geeyay heerkii ugu qaylada dheeraa, cali yare waxa uu gacanta qabsaday Gabadh Cadaana oo meesha fadhiday, dhawaqa ka baxaya Sameecadaha waxa aad ka qaadaysaa dhego la’aan. In mudo ah markii la ciyaaray ee uu Cali gabadhiii dhan walba u wareejiyay, ee uu dawakhiyay ayaa wiil reer yurub ah oo la socday Gabadhan uu cali isku xoqayo ayaa si kadisa usoo galay kadibna isla markiiba waxa uu indhaha qac ku siiyay wiil Afrikaana oo gabadhii uu naftiisa ka jeclaa iska wad-wata, aad ayuu u xanaaqay dhirbaaxo ayuu dhabanka u galiyay Hada dhirbaaxo , Cali yare inta aad u eegay arkayna in aanu ninkan reer yurub ee xooga wayn la babac dhigi Karin ayuu Bahal dhabano cas ah(Baastoolad) oo uu baryahan danbe jeebka danbe ku hubsan jiray, lasoo baxay waxaanu halkaa wadnaha kaga dhuftay wiilkii Reer yurub, waa la kala yaacay isla markiiba waxaa soo dhawaaqay gaadhigi askarta Wiiiiiiii…wiiii……waaaa… Cali yare waxaa markiiba lagu xidhay saldhiga Booliska waxaana maalinkii danbe loo gudbiyay Maxkamada sare ee wadanka ingiriiska, kiisku wuu iska cadyahay, Cali yarena wax qareen ah ma qabsan karayn , Waxaana ku Markhaati furayay dilkan foosha xun dad fara badan oo ahaa dadkii joogay Goobta dilku ka dhacay. Kadib markii ay cadaymihii iyo markhaatiyadii aragtay Maxkamadu waxaa ku cadaatay Cali yare laguna Naanayso Jackson in uu dilay Mr. george, sidaas darted waxay maxkamadu ku xukumaysaa Xabsi-daain in uu cimrigiisa inta ka hadhay ku dhamaysto Jeelka!!! Hooyadii iyo aabihii markii loo sheegay aad ayay uga maroora dilaaceen, Balse maxay u qaban karaan? Xukunkii Maxkamaduna waa la fuliyay oo dhamaa, iyaguna uma doodi karaan oo wax ay ugu doodaan iyo wax ay ugu Tagaan toona ma hayaan, sidii Tukaankii yaraa loo iibiyay Noloshoodu way adkaatay oo nolol maalmeedka maalina way helaan maalina way waayaan,Sidii ayay kaga samreen Wiilkoodii maadaama aanay waxba u qaban Karin... Cali Jackson oo uu waramayay Weriye Madax banana Somali ah oo ku booqday jeel ku yaala Magaalada Birmigham ee dalka Ingiriiska Waxa uu sheegay inuu ku calaan calayay Odhaandan (( Isbedal-doonimada, Diintaada, Dadkaaga iyo Dhaqankaaga oo aad ka fogaataa waxay kuu horseedaa dib udhac farabadan, Kuna dhiirigaliyay dhalinyarta somaliyed in ay ka faaiidaystaan wakhtigooda, Kana digtoonaadaan in ay Raacaan Dhaqanka reer galbeedku ugu yeedhayaan ee fusuqaa ah ee ay ugu soo gabanayaan ILBAXNIMO iyo HORUMAR iwm. Isaga oo hadalkiisa sii wada waxa uu ku Booriyay fartana ku go’day dhalinyarta somaliyed in ay wadankooda horumariyaan, Balse aanay ku fikirin in ay u tahriibaan wadano kale oo aan wax kuugu diyaarsan jirin, Waxaanu ku tawaawacay wax kasta waxa uu u baahan yahay dadaal aad muujiso hadii aad dalkaga joogto kuna dhagsanaato dhaqankaaga iyo diintaada waxaad ku gaadhi doontaa horumarka Reer yurub ku faanayaan midka Balaadhan, Waxaa kale oo an kula talinayaa dhalinyarta in ay had iyo goor ku dhaqmaan diinta islaamka oo ah diinta Nasteexada, Wanaagsa, iyo Diinta Horumarka. Waxaa kale oo uu ku Nuux-nuuxsaday Ilbaxnimada iyo horumarka waxaan ka dayay meel aanay kaba ag dhawayn, Sida in aan badalay dhaqankaygii, diintii oo aanan si fiican ugu camal falin, balwadaha aan xuduudka lahayn oo aan bilaaabay iyo Anigoo faraha ka qaaday Waxbarashadaydii dhamaanteedba,kana Talaabsaday Duruustii aan sheekha ka dhigan jiray, Dhaqankaygiii wanaagsanaa oo aan ka tagay kuna badashay Dhaqankan xun ee reer yurub, Waxaan aaminay in yurub shaqooyinka laguugu yeedhayo balse taasi waa ma Dhacdo Waxaan kula talin lahaa Dhalinta somaliyed maanta in ay igu cibro qaataan oo ay k Digtoonaadan arimahaa aan kor ku sheegay oo I horseeday inaan ku dhamaysto afartan Gidaar dhexdooda )) Dhamaad Sheekadani waa sheeko male-Awaal ah balse waxay ka turjumaysaa Dhibaatada haysata Dhalinyarta somaliyeed sida kuwo dhaqankoodi ka tagay kuwo diintodii aan ku camal falin oo ku tilmaamay Dib u dhac iyo Fulaynimo Xagjira , Qaar mooday Horumarku ku xidhan yahay Dhaqanka reer galbeed ood qaadato, kuwo kale oo aaminay in Yurub oo kaliya laga shaqayto balse aan Dhulkaaga hooyo laga shaqaysan Karin, iyo Qaar saaxiib ka dhigtay Balwadaha oo nolosha ka dhacay..... W/q; Mohmetrazhit...

Comments

Popular Posts