WAREYSI: XIISO IYO JACAYL.... W/Q; MAHAMED RASHIID

WARAYSI XIISE iyo JACAYL. XIISE ayaa waxa uu la kulmay JACAYL oo dhakafaraar madaxa haysta, xiise oo la yaaban in wali jacaylkii aanu wali duugoobin ayaa waxa uu ku odhanayaa Jacaylaw ma sidii uunbaad u jirtaa? JACAYL: Nacam Nacam! Binu aadamka ayaanu mar wada dhalanay inta uu jiroba ana waan jirayaa laakiin aduu goormaad dhalatay ? Xiisihii oo saaxiibkii u jawaabayay ayaa wuxu odhanayaa Anuu dadka ayaan ka dhex dhashay isku gado ayaynu nahay qiyaastii waliba intaad jirto in ka badana waan jiri doonaa ee sidaas ula soco isla markaana waxaan bulshada ka haystaa taageero balaadhan oo dadku way I jecel yihin hadaan ahay xiise. Xiisihii oo saaxiibkii u jawaabayay ayaa wuxu odhanayaa Hadaan xiise ahay isku mar baynu dhalanay waliba intaad jirto in ka badana waan jiri doonaa ee sidaas ula soco isla markaana waxaan bulshada ka haystaa taageero balaadhan oo dadku way I jecel yihin hadaan ahay xiise. JACAYL oo ka xanaaqay hadaladaasi ayaa waxa uu odhanayaa “ Anuu Deegaan balaadhan baan haystaaye oo wadnaha dadka ayaan dagaa halbawlayaasha dhiigana waan raacaaye aduuse meel aad dagto ma leedahay? XIISE oo la yaaban warmooganaanta JACAYL ayaa odhanaya “ Iska hadlaw Ina Igare ! meel walba waan dagaa maxaa meel kali ah igu cidhiidhyaya, Qof aanan quluubtiisa iyo qudhkiisa daganayn aduunka kuma noola. JACAYL oo ka war helay in XIISE uu ku qadhaabto magaca JACAYL ayaa waxa uu waydiinaya sobobta ku kaliftay inuu JACAYL isku eekaysiiyo” XIISE oo maskiinimada JACAYL la yaaban ayaa wuxu odhanayaa “Hadaanan magacaaga ku qadhaabayn ma cid baa ii joogsanaysa saw dadkuba igama didayo, Magacaaga marka
aan kusoo dabaalo waxaan ku mudaa Irbad la yidhaa Xiise-Waldhaq Dhawr xiisadood oo gurac ahna waan u mulmulaaqaa magacayga ingiriisiga ahna maad taqaan MISS oo aan dadka sida quraanka u xafidsiiyay. JACAYL oo is giijinaya ayaa ku tawaawacay Anigaba waxa la I yidhaa LOVE, laakiin Dadka badankiisiiba adigay ayay ku daba cararayaane ma ii sheegi kartaa waxyaabaha aad kusoo jiidatid ama xeeladahaga ? XIISE oo afka taagaya ayaa ku odhanaya “ Inkastoon sirta la sheegin! Haa, Yeah, Yeah, adiga waan kuu sheegayaa, Maskiinimadaada iyo daacadnimadaada ayay dadku kugu naceen” JACAYL oo aad u fajacsan lana yaaban in maskiinimo iyo daacadnimo la isku naco ayaa waxa uu odhanayaa maskiinimo la iskuma nacee ma jidka munaafaqada ayaad doonaysaa inaad igu jihayso kaa yeeli mayo” XIISE oo wali la yaaban moogananata JACAYL ayaa waxa uu odhanayaa Waar waxba maad fahmin ee u kaadi ! Dadku waxay igu doorteen ayaan kaaga waramayaaye Wakhtigayga ayaa gaaban Beentayda iyo madmadawgayguna wuu badan yahay, Dadkuna waxay jecel yihiin xidhiidh gaaban iyo been la isku maaweeliyo. JACAYL: Beenta, Madmadawga iyo dhalanteedka miyay dadku kugu raaceen ma aaminsani! Midha daray hadaan duuduub ku liqi jiray hada waxaan ka dayayaa dirxi inu ku hoos jiro! waar aniga la ima siree farta waawayn wax iigu sheeg oo fartaadan qalqaloocda toosi. XIISE : Badaw, Dabadu waligaa kaama Go’ayso in faash lagaaga jaro mooyaane! For example ayaan ku siinayaaye dhagahaaga fur! Ardaydu waxbarashada wakhtiga dheer ah waxay ka door bidaan Course- yar oo wakhti gaaban oo la mulmulaaqay, Aniguna sidoo kale dhawr maalmood uun baan malmaluuqaa, Xiisadaha kadibna waxaan isku dhaafiyaa Saaxiibkay NACAYB, Adiga se mushkiladaadu waa wakhti dheer iyo xaqiiqo raadis taas bayna dadku kugu karheen oo samirka ayaa binu aadamka ku yar ee Cilmi nafsiga fahan. JACAYL: Been, dhalanteed, iyo mulmulaaqa beenta inaad dadka ku hodo allaan ka magan galay ee jidka jahanama maad ka weecan XIISE : Waar heedhe hadal badanidaa oo afdheeridaa! Miyaanad ogayn Xukuumadan cusub ee qufulka sagaal iyo sagaashankaa sidata! waliba dadka sidaada oo kale afka dhaadher qufulku si fiican ayuu u qabanayaaye! Mid kalena aan kuu sheegee madaxda xukuumada nalama kala dhex maro sobobtoo ah iyagaba Dartay ayaa lagu doortay Xiise ayaa loogu codeeyay laakiin imika Irbadii Xiiso-waldhaqa waan ka daayay oo arimuhu Nacayb iyo kulayl ayay ku socdaan ee bal dhawr mudo. JACAYL: Waar hooy aniga la iima digee dib u joogso hana igu soo dagdagin! XIISE : Bootoole! Ma anaad I leedahay la iima digo maanad ogayn inaan kaa taageero badanahay oo boqolkiiba sagaal iyo sagashan dadka aduunka ku nool ay aniga I taageeraan? JACAYL: Yeah Yeah I know! Anigaba boqolkiiba hal ayaa I taaageera dadka aduunka ku nool Balse waa dad nadiif ah oo runta kama fogaadaan kamana gabadaan, Been kuma dhaqmaan, Cadaalad daradana ma ogolaadaan, laakiin munaafaqada iyo habawgan aad ku sugan tahay maad iska daysid ? XIISE : Ka gudub sheekadaas oo! Horta Maskiinkii yaraa ee reer Berbera saw aduu qudha kamaad jarin mise cunto la’aan ayuu u fuuq baxay? JACAYL: Mayee waxaa dilay xanuunka la yidhaa Anti-love dadkuse way isku kaaya qaldaan oo anay I moodaan XIISE : Adoonkii kale ee carabka ahaa isaga dilkiisa saw aduu masuul kamaad ahayn ? JACAYL: Wax ma maqle ayad tahay dhagaha cudbi ayaa kaaga jirta indhahana muraayad madaw ayaad gashataaye! Dalalkan carabta ee aad sheegayso waligay maan tagin, waxna ma dilo ee waataan hore kuugu sheegay waxa jira mid aan isku eegnahay oo la yidhaa Anti-love XIISE : Aduu waligaa wax ma jeclaatay ? JACAYL: Yaa Yaah! Jacayl iyo Xiise horta labadeenuba waynu jirnaa. Aniga jacayl waan ku barbaaray, waan ku dhimanayaa, waan ku naaloonayaa, dadka ayaan isku soo dhaweeyaa waxaanu nasiibkoodu ila kulmiyaa boqolkiiba hal dadka aduunka ku nool adigana boqolkiiba sagaal iyo sagaashanka kale oo aad dhalan habaabis ku habtid, Laakiin adiga naf ahaantaada hadii nasiibkaagu kugu daro Boqolkiiba halkaasi jacaylka dhabta ah hela maxaad ku diidaysaa? miyaanay ahayn qofka ku calmaday inaad qadariso, Ixtiraamto, wakhti la qaadato, ka farxiso, la qososho, kana ilaalisid murugo warwar iyo walbahaar mise xiisaha ayuun baad wakhtigaaga ku dhamaysanaysaa oo maalinba maalin kuu gudbinaysaa maalin walbana meel cusub u talaabaysaa? XIISE : Jaw Jaw ! Nin qalbi la’ quraan kii u akhriyay qaaf dheh ku haraadye ma maqashay! Hadalkaaga dhagna waan maqlayay ta kalena waan kasii daynayay ee maxaad tidhi Bal kusoo celi ! Adeer ma shaqadaydan yar ayaad ku talo jirtaa sidaad u xayiri lahayd, Duqsiga qadhmuunku uma soo uroo waabu quudhsaday ma maqashay! waar aragaaga iga qari hadii kale telephonekii madaxweynaha ayaan hayaa oo imika ayaan ku dhufaniyaa Af dheerayde madheera ayaad wakhtigaaga ku dhamaysanaysaa ! JACAYL: Waar jeelka iyo jugta askarta maba kala dhamaanee ani ha iigu cagajuglayn ee cidaad doonto la hadal imikana waan sii caraabiye waa inoo kulan danbe iyo adoo sidan ka fayaw. Waan arkaa maanta way kugu dhex go’an taheee Jaale! XIISE : Wado ayaa iiga kaa furantay ma is tidhi adeer qodqodka badan maad iga dayn, wadadii Jeelkii madheera ayaad haysaa oo waan ku arkaaye. JACAYL : Waar bal is daji kulaylkan badana iska daa qarxiska habeenkii ayaa kuugu wacan baan filayaaye! waa ayo maanta qamaamuurtan kula socotaaa ma anigaad Gardaro Garab-ogbaa oo beenta iyo dhalanteedka ayaad ku heshiiseen? XIISE : Nimankan aan iskiin baro waa Saaxiibaday NACAYB iyo DHAQAALE waxaana naga dhaxeeyaa iskaashi umada ayaan u qayilnaa maalin walba filimaantayaduna way is daba socdaan mashariic badana waanu kala jarnaa. JACAYL : oo kuwan adaaba yara muuq iyo magac dhaamee in lagugu sawiro maanad ka baqayn ? XIISE : Baw Jaw, Yaan la is caayin nimankani waaa madaxe, Aar Hawlahayga badankoodaba iyagaa igu gargaara Markaan xiisadahayga dhamaysto waxaan bulshada ku wareejiyaa Macalinkan oo ku takhasusay Kuuliyada Nacaybka waxa uu sitaa shahoodo la yidhaa Aragaaga iga qari! Waana xiisada loogu jecel yahay wakhtiyadan danbe aduunka kaaga darane ninkani xiisadihiisa ma kala go’aan waa yoomiye Habsana laguma yaqaan . JACAYL : Balo ku dagtay! Waar ilaahay ka cabsada oo umadan sidan ka daaya maxaa idiin diiday inaad maslaxada iyo isku soo dhawaynta umada ka shaqaysaan. oo kan kale ee madaxa maroora maxuu qabtaa? XIISE : Dhago jufan ! kan sawtaan kuu sheegay magaciisa dhaqaale ayaa la yidhaa Mashaariicda aan fulino Budget kooda waaa qasnada aan ku gurno midna aan kuugu daro waxa uu kala fogeeyaa dadka is jecel waa majixaanjixe Heerka Shahaadadiisa waxaa la yidhaa Lacag ma haysaa, xididka naxdintana waa laga saaray! Adeer aduu arimahayaga faraha maad kala bixi maslaxad ma naqaanee JACAYL : Bahal Caadadii ma baajo uun baan maqli jiray, waar heedhe Umadan Shacabkan carabta iyo madaxdooda ma idinkaa madaxa isku galiyay, Dadkiiba ani wuu ii istaagi laayahay oo dhagaha iga jufaysteene. XIISE : Oh Oh . Waxbaan kaa iloobay. Waxaa jira nin oday ah oo aan u adeegsano fulinta mashaariicda oo isagu soo afjara, Magaciisa waxaa la yidhaa DAGAAL heerka shahaadadiisuna waa Xabada iyo dhagaxa ka fadhiiso, Shacabkan carabta ee masar ay u horaysana manta isagaa masuul uga dhignay waxaana ku garabsiinayaa Saaxiibkii Mudaharaad. Laakiin aduu sxb aduunka waxba kama tihid ee maad nagu soo biiro waan ku arkaa kabaha ayaa kugu kululadee. JACAYL : Ha igu naafata beeline! aniga la ima duufsan karo, Anuu waligayba umada wanaageeda, Samaha, Daacadnimada, ayaan ka shaqaynayaa cidii aniga soo raaci waydaana waan ogahay inay burbur ku danbaynayso, qoysaska intooda wanaagsan aniga ayay dartay u dhisan yihiin W/q; Mohmetrazhit....

Comments

Popular Posts