XIKMADO JACEYL. W/Q; MAHAMED RASHIID

xikmada jaceylka 17/01/2021 W/Q ; Mohmetrazhit Subixii ma ubaahni inaan saacadeyda ku xirto alarm si aan u kaco, maxaa yeelay waxaad ku dhex nooshahay wadnaheyga gudihiisa waaga markuu baryo waxaad u toostaa inaaad quraac noo sameyso markaad wadnaheyga ka soo dhex toosto ayaan aniguna toosaa taasi ayaa alarm ii ah Teleefanka aan message-ka kaaga soo diro xili walbo wuxuu u baahanyahay inaan magacaga ku qoro oo aan kuusoo diro, sida dhulka ugu baahanyahay roob, teleefoonkana ugu baahanyahay jaajar, ayuu jaceylkeenana ugu baahanyahay waraabin joogto ah. Waxaa inoo dhaxeeyo badweyn, buuro, iyo bari aad u dheer, anigu maahi dabeyl lakin hal sikin isii waxaan kuusoo dirayaa jaceylkeyga, oo aan soo gooynayaa inta dhul ee noo dhaxeyso, waanba kuusoo diray maheshay xabiibi. Roobku markuu da”ayo macquul maahan inaad aragto qoraxda, balse xasuusnoow waa halkeedii oo kama maqno, anigana waxaan filayaa anagoo kala fog indhaha aysan isqaban Karin, hadana weli inaan halkeenii nahay. Marna ma arki kartid sida aan kuugu xiisay, marna ma ogaan kartid sida aan kaaga taxadaro, marna ma dareemi kartid sidaan kuu jeclahay, waxyaabahaas dhan si aad u ogaato wadnaheyga ayey ku dhexjiraan makuu dilaaciyaa si aad u ogaato wax walbo. Hadii aan ku dhaho waan fiicanahay beri waxaa dhici karto inaan ku dhaho mafiicni, hadii aan kulano waxaa ku xigto inaan hadane kala tagno, lakin waxaa mar waliba aan ku dhihi karaa waan kuuxiisay, maxaa yeelay si joogto ah aan is badal laheyn ayaan kuugu xiisaaa.… Markuu qof si xad dhaaf ah kuu jeceyl yahay waxaad ka qaadaa ad adeyg, balse markaad adigu si xad dhaaf ah qof u jeceshahay waxaad ka qaadaa dhiiro gelin aan dhamaad laheyn. Ma ogtahay 3 eray oo aad i dhahdo adigoo indhaheyga eegayo in aan ku dareemayo inaan ahay qofka aduunka ugu nasiibka badan “Waan Ku Jeclahay” Sadaxdaas Eray nolosheyda wax weyn beey ka badalaan ee haka daalin mar walbo inaad dhagta iigu dhibciso.. Jaceylku Iyo dabeyshu waa isku mid waa labo sheey oo jirku dareemo, balse maahan shey gacanta lagu qaban karo, ama la taaban karo. Mar Weliba aad Fariin iisoo dirto waxaan ku xafidaaa qalbigeyga, mar waliba aad i eegto waxaan ku keydiyaaa xusuusteyda, Eray walbo aad i dhahdana waxaan u gudbiyaaa maskaxda, adiga iyo ficiladaada waa kuwo ku weyn nolosheyda. Dhagteyda Si xan ah uguma aadan odhan waan ku jeclahay, waayo erayadaasi waxey si toos ah ugu dhaceyn qalbigeyga, waxeyna horay u dumiyeen ama u jejebsheen dhamaan darbiyadii ku xeernaa qalbiga, waxaad furatay wadooyin adigoo dhan walbo ka geli karo qalbigeyga. Ma ogtahay macaan halkii mar ee aad shumiso dhabankeyga in qalbigeyga ka masaxmaan dhamaan wixii xumaan ah, halkaasina aan kusii qaado dareen iyo jaceyl xadkoodii gud bay Maanta Oo idil waan kuu wacayay anigoo kugu yeerayo magacaaga, adiguna imaad imaan markaan isweeydiiyay sababta aad igu imaan la’dahay qalbigeyga ayaa ii jawaabay oo igu yiri qofka aad sugeysid iney kuu imaato sow adiga kuma dhex xerin qalbigaaga waxna laso kulmay dad badan waxaan so arkay dad naxariiis badan,balse adiga naxarista aan agtada ka dareemay maahan mid aan ebid dib u helayo.waxad si toos ah gacantada ugu qabatay una taabatay qalbigeega waxan ku jeclahay xabiib Qalbigeeyga adigaan kaa iibiyay kudhex nooloow waa balan weligaa waxaad ugu dhex noolaaneysaa si lacag la’aan ah, mala socotaa macaanto qalbigeeyga waxaad ku iibsatay jaceyl dhab ah aan dhamaad laheyn, sidaad ugu iibsatay jaceyl hadhoow ha ugu guurin si naceyb ah, weligaa iigu dhex nooloow xinjiraha qalbigeyga. Weligaa ha diidin qof noloshaada kusoo biiray adigoo xadkiisa siinayo, maxaa yeelay qofka wanaagsan wuxuu nasiiyaaa farxad, qofka xuna waxaan kala kulanaa inaan ku cibro qaadano, oo aqoon baa nooga saaideyso, weligaa cidna ha iskala weeynaaan. Xabiibi Xusuusnoow labo sirood ayaa jaceylka lagu kobciyaaa, markii aad Qaldantahay qiro, markii aad saxan tahayna iska aamus, waayo aamusnaantaada waxa dareemo qalbigeeyga, oo si toos ah ugu xiran qalbigaaga. Dhibicda roobka ah markii aad ku eegto indhahaada waxaad moodaa ineey aad u yaryihiin, balse ubax sugayo oo u oomanaa dhibicdaas roobka ah ubaxaasi waxey ka dhigtaa mid dhal dhalaalayo, fariinta aad iisoo dirtay waa dhowr xaraf oo kooban balse waa xarfo ku weyn nolosheyda Jaceylku maahan sidaad u hilmaanto ee waa sidaad u cafiso,mana ahan sidaad u maqasho ee waa sidaad u fahanto dhawaaqa wadnahaaga,isla markaana aad u dareento ahmiyada uu qofkaas kale xagaaga ka leeyahay,mana awoodid inuu qofkaas kaa tago waxa ay kugu qaadataba. Keliya qalbiyo yar ayaa si fudud u cadeyn kara daacadnimada jaceylka dhabta ah, dadka qaar waxey kugu qaldaan xoogaa dhoolacadeyn ah iyo illin been abuur ah,Ha u ogolaan naftaada in dibindaabyadaas laguu dhigo. Dadka qaar waxa ay yiraahdaan wa ay adag tahay in la xusuusto,waana kugu adkaataa inaad cafiso,ha hilmaamin inaad iga cafiso qaladaadka yar yar,hana ilaawin waligaa balantii dhexdeena. kalsoonideyda,ha luminin,hadii aad qalbigeyga gacmahaaga ku heysana ha dhaawicin, Kalsoonida waa sida muraayad oo kale,hadii mar la jibiyana lagama yaabo in dib la isugu keeno. Ilmadu Waa Hadal Aan Afka Ka Imaan, Ee Si Toos Ah Ugu Imaato Qalbiga . Intaan dib ugu kulmi doono xikmado lamid ah qodobadaan waxaan idin kaga tageynaa jaceyl aan salguurin iyo iska war qab joogto ah

Comments

Popular Posts