BISHA DAMBARSAMO (OCTOBER)

DAMBARSAMO (OCTOBER) Bishan dambarsamo (October) waa bishii uu alle iga dhigay qofjira ahna noole karaamaysan, kadib abuurida uu alle uurka hooyo igu beeray, igana dhaliyay waalid wanaagsan. Xattaa haddii alle idooradsiin lahaa qofkaan noqonayo waxaan dooran lahaa qofkan isla hadda ahay. Waalidkayga ayaanan ku ahaadey islaamka if & aakhiroba amaanan oo derajadu dul sudhantahay. Waalidkay wuxuu igu barbaariyey dhaqan-san, akhlaaq, ixtiraam iyo aqoonta diinta iyo tan maadiga ah ee aan maanta kaga ladanahay jahliga ka jira koonkan. Anigu wax doorasho ah kuma aanan laheyn qaabka nolosha dhalashadeyda diineed, jinsiyeed iyo qowmiyadeedba. Balse alle baa iidoorey. Dhaqankayga, garaadkayga iyo waxwaliba oo muuqayga & iyo maskaxdayda ka mutaaxa. Sidaasi daraadeed haddii lay doorad siin lahaa qofkaan noqonayo waxaan dooran lahaa qofkaan isla hadda ahey. Isla bishan dambarsamo (october) waa bishii uu alle iga qaaday nuurkii iyo aragii aan ku lahaa koonkan. Waa bil aad u koobsatay dareenadaas aadka u kala fog ee ah dhacdada dhalashada iyo dhacdadan dhimashada. Bishani waa bil aan runtii galo xusuuso, riyooyin iyo xiiso rejo li'id ah oo aanay imanayn maalin aan helayo waxa aan xiiseynayo, sababtoo ah dhinte dib umasoo dhasho. Sidaas oo ay tahay haddana waxaan qalbigaygan yar ee koobsaday dareenada sidaas u kala fog ku dhiirigeliya ad adkeyg iyo inuu is celiyo, waayo wax aan ku cabiro labadaasi dareen ayaanba jirin. Xataa waxay cabsi iga haysaa bishan ma xaflad dhalasho ayaad samaysan mise tacsi ziyaaro ayaad u sameyn nuurka noloshaada ka baxay. Alle hakuu naxariisto hooyadeydii aan jeclaayey waxaad aheyd inbadan nuurka noloshayda iyo farxadda noloshayda allahii igu kaa unkay ee igu beeray adiga uurkaaga ayaa haddana iga kaa jeclaadey. Dambarsamo (October) waa bil dareenka sidaas ah ii leh... W/Q : Mohmetrazhit..✍

Comments

Popular Posts