MAARAYNTA WAKHTIGA. TALAABOOYIN WAXTAR LEH.

Waqtigu Waa Qeyb ka Mid ah Cimriga Qofka Bani’aadamka ah, Haddii Saacad ka Mid ahi Dayacanto Waxaa Lumay Cimriga Qofka. Dadka Caadiga ahi Waxay ka Fakaraan Sidii Ay Waqtigooda u Dhameyn Lahaayeen, Laakiin Dadka Waxgalka ah Waxay ku Howshoon yihiin Sidii ay Uga Mira Dhalin Lahaayeen Waqtiga Kooban ee Ay Heystaan. Dad Badan Waxay Mushkiladi ka Heysataa Waqtiga ay Heystaan iyo Sidii ay Uga Faa’ideysan Lahaayeen, Waana taas Arrinta Ugu Muhiimsan Ee ku Saabsan ka Mira-Dhalinta Waqtiga. Maxamed Shiikh Axmed oo Qoray Buug uu Ugu Magac Daray Maareynta Waqtiga Isla Markaana ah Barre Wax ka Dhiga Qaar ka Mid ah Jaamacadaha ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa Mustaqbal U sheegay in Waqtigu yahay qeyb Nolosha ka mid ah Sidaasi daraadeed Haddii Ilbiriqsi la lumay ay ka dhigan tahay ayadoo la lumiyey qeyb Nolosha Ka Mid ah. Dadka intiisa Badan uma kala nidaamsana waqtigooda, Sidaasi Daraadeed Waxay La kulmaan Dhibaatooyin ay ka Mid yihiin: Howlahooda oo isku dhexyaaca, Ayaga oo ku Fashilma Tiigsiga Yoolkooda, Maskax Ahaan oo ay Aad u Mashquul Badnaadaan iyo in ay Noqdaan Kuwo Xanaaq badan. Baashi Maxamed Jaamac waa Ardey dhigta mid ka mid ah jaacadaha gobolkan banaadir, Waxa uu ka Warbixinayay Waxa uu ka Fahamsan yahay Maareynta Waqtiga iyo Waxtarkiisa. “Waxaan Ahay Ardey Haddii aan Waqtigu ii Nidaamsaneyn Waxaan Hubaa In Dadaalkeyga uu Meel Cidlo ah ku Dhumayo…Sidaasi Daraadeed Waxaan isku Deyaa in aan Waqtigeeyga Si Wanaagsan u Maareeyo” Si aad u Maareeyso Waqtigaaga Waa Arrin u Baahan in aad Ka ka Tallaabsato Kana Gudubto Caadooyinkaagii Hore Waxayna Qaadaneysaa: Waqti dheer, Samir Aadag, Dadaal Culus iyo Dulqaad Joogto ah. Khorsheynta Waqtiga Ayaa ah Waxa ugu Muhiimsan, Waana Howsha Khuseysa Nidaaminta Waqtiga uu Heysto Qofka Bani’aadamka ah, Ayadoo La Khorsheynayo Qaabka ugu Haboon ee ay u Fuli Lahaayeen Howlaha Sidii Loogu Tala Galay. Diinta Islaamku Waxay Daneysay Waqtiga Ayadoo Ka Fiirisay Dhinac kasta. Maareeynta Waqtiga La Heysto waa Qaababka Sahlaya in si Wanagsan Looga Faa’ideysto Waqtiga, Taasoo Fududeyneysa Sidii Lagu Xaqiijin Lahaa Ujeedooyinka La Hiigsanayo, ayadoo Leysku Dheeli tirayo Baahida kala Gedisan ee jirta. Maareynta Waqtiga Waa Arrin Kuu Gaar ah Adiga, Waxayna u Baahan Tahay in ay la jaanqaado daruufaha Kuu Gaarka ah iyo Bey’ada Kugu Xeeran, Xalkeeduna waa Su’aal Adiga Uun Ku Kooban. ........W/Q: Mohmetrazhit.......✍

Comments

Popular Posts